Madaxda dowlad-goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo caasimada u yimid shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo dib u dhac ku yimid.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda dowlad-goboleedyada ku casuumay shirkaasi oo qorshuhu ahaa inuu dhaco 20-kii bishaan, balse uu arrimo farsamo u baaqday, sida ay sheegtay Villa Somalia.
Shirkan ayaa waxaa qaadacay hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, halka uu ka maquurtay sida muuqata hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe oo waayahan lasoo warinayay inay kala furteen madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxda dowlad-goboleedyada saddexda ah ee ku sugan Muqdisho ayaa waxaa maanta kulamo gooni-gooni ah la qaatay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Xoosh.
Mudane Xoosh ayaa kullamada gaar-gaarka ah ee uu maanta la yeeshay madaxda dowlad-goboleedyada isugu jiray is-xogwareysiga iyo wada-shaqeynta dhinacyada, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha.
“Inta mas’uuliyiintani ay fadhiga lahaayeen arrimaha si horudhac ah looga hadlay waxaa ugu muhiimsanaa; wada-shaqeynta wasaaradda iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, hortabinnada qaranka iyo qaar kale,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda ee kulamadan kasoo saartay
Kulamada maanta Muqdisho ku dhex-maray wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya iyo madaxda dowlad-goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa ahaa mid miro-dhal ah.
Axmed Qoor-Qoor, Cali Guudlaawe iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa weli Muqdisho u jooga qabsoomida shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, kaasi oo uu xafiiska ra’iisul wasaaraha shaaciyay in dib loo dhigay muddo kooban, iyadoo aan la shaacin waqtiga la isugu imaanayo.
Sababta waxaa lagu sheegay in shirkaas uu iclaamiyey madaxweyne Xasan Sheekh uu u baaqday arrimo farsamo, balse faah-faahin kale lagama bixin arrimahaas.