Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025

      Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

      October 4, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Khasaare ka dhashay qarax ismiidamin ah oo ka dhacay dalka Pakistan

      September 30, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Saddex dal oo Yurub ah oo maanta ku dhowaaqay in ay aqoonsadeen FALASTIIN

    Saddex dal oo Yurub ah oo maanta ku dhowaaqay in ay aqoonsadeen FALASTIIN

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMay 22, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ireland, Spain iyo Norway ayaa Arbacada maanta ah ku dhowaaqay inay aqoonsanayaan Dowlad Falastiin laga billaabo 28-ka May, ayaga oo sheegay inay rajeynayaan in dalalka kale ee reer galbeedka ay ku daydaan, taasi oo keentay in Israel ay u yeerato safiiradeeda.

    Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay in lagu dardargeliyo dadaallada lagu xaqiijinayo xabbad joojin laga gaaro dagaalka Israel ay kula jirto Xamas ee Gaza.

    “Waxaan rajaynaynaa in aqoonsigeena iyo sababaheena ay ka qayb qaataan in dalalka kale ee reer galbeedku ay wadadaas raacaan, sababtoo ah kullamaa aan badanno, waxaa sii kordhaysa awoodda aan u yeelaneyno in aan xabad joojin sameyno, si loo sii daayo la-haystayaasha Xamas, si dib loogu billaabo hanaanka siyaasadeed ee horseedi kara heshiis nabadeed,” ayuu ku yiri khudbad uu ka jeediyay aqalka hoose ee dalka.

    Israel ayaa dagaalkeeda Gaza billowday iyadoo ka aargoosanaysa weerar 7-dii October ay Xamas ku qaadday oo ay ku dishay 1,200 oo qof ayna ku qafaasheen in ka badan 250 qof.

    Howlgallada Israel ay ka fulisay Gaza ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 35,000 qof oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

    Spain iyo xulafadeeda ayaa muddo bilo ah ka ololeynayay wadamada Yurub, oo ay ku jiraan Faransiiska, Portugal, Belgium iyo Slovenia, si ay taageero ugu helaan aqoonsiga Falastiin.

    “Maanta, Ireland, Norway, iyo Spain waxay ku dhawaaqayaan inaan aqoonsannahay Dowladda Falastiin,” ayuu ra’iisul wasaaraha Irelanad Simon Harris ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Dublin.

    “Mid kasta oo naga mid ah hadda wuxuu qaadi doonaa tallaabo kasta oo qaran oo lagama maarmaan u ah si loo dhaqan geliyo go’aankaas.”

    Waxa uu intaa ku daray in Ireland ay si aan mugdi ku jirin u aqoonsaneyso Israel iyo xaqa ay u leedahay “inay si ammaan ah oo nabad ah kula jirto deriskeeda,” wuxuuna ku baaqay in dhammaan la haystayaasha Gaza si deg deg ah loo soo celiyo.

    Magaalada Oslo, Ra’iisul Wasaaraha Norway Jonas Gahr Store, ayaa sheegay in habka kaliya ee lagu heli karo xal siyaasadeed oo dhexmara Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta ay tahay “laba Dal oo isku dhinac yaalla oo ku wada nool nabad iyo amni”.

    Jawaabta Israel 

    Isaga oo ka jawaabaya ku dhawaaqista, ayaa wasiirka arrimaha dibadda ee Israel, Israel Katz waxa uu amar ku bixiyay in si deg deg ah usooo laabtaan safiirada Israel u fadhiya saddexda waddan si ay wadatashi ula yeeshaan, waxa uuna ka digay “cawaaqib xun”.

    “Waxaan maanta dirayaa fariin cad: Israel ma dhayalsan doonto kuwa wax u dhimaya qarannimadeeda oo khatar gelinaya ammaankeeda,” ayuu yiri.

    Israel ayaa ku dooda in sida kaliya ee lagu heli karo qarannimo Falastiin ay tahay wadaxaajood, islamarkaana haddii nidaamkan la hareer maro ay Xamas iyo kooxaha kale ee mintidka ah siinayso dhiirigelin ay ku adeegsadaan rabshado.

    Qiyaastii 144 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa horey u aqoonsaday Falastiin, waxaana ku jira inta badan dalalka koonfurta caalamka, Ruushka, Shiinaha iyo Hindiya.

    Hase yeeshee tiro yar oo ah 27-ka xubnood ah ee Midowga Yurub ayaa ilaa hadda tallaabadaas qaaday. Sweden ayaa noqotay waddankii ugu horreeyey 2014. UK iyo Australia waxay muujiyeen bilihii la soo dhaafay inay dhowaan ku dayan karaan.

    Falastiiniyiinta ayaa raadiya Dowlad ka jirta Daanta Galbeed ee ay Israel haysato iyo Marinka Gaza, iyadoo caasimaddooda ay tahay Bariga Qudus.

    Maraykanka oo ah xulufo aad ugu dhow Israel ayaa bishii hore codka diidmada qayaxan ku diiday isku day Qaramada Midoobay ay ku doonaysay inay ku aqoonsato dowlad Falastiin, isaga oo ku dooday in xal laba dawladood ahi ku iman karo oo keliya wada xaajood toos ah oo dhexmara dhinacyada.

    Reuters + VOA

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.