Waxaa aad loo wada sugayaa maalinta ciidul Fidriga oo loo badinayo in midood noqon doonto Talaadada ama Arbacada, waxaana beri oo Isniin ah noqon doontaa maalinta 29-aad ee la soomayo.
Maxkamadda sare ee Sacuudiga ayaa baaqday dadka kunool dalkaasi in ay raadiyaan dhalashada bisha habeen dambo oo Isniin ah, waxaana dadka ka codsadeen in ay soo sheegaan aragtida bisha ayna la socodsiiyaan maamullada ay hoostagaan.
Sacuudiga iyo waddamada kale ee Islaamka ayaa si weyn looga raadin doonaa habeen dambo dhalashada bisha, waxaana haddii la arko maalinta Talaadada noqon doontaa maalinta koobaad ee Ciidul Fidriga, haddii la waayana Arbaco ayey ciida noqon doontaa.
Dadka Muslimiinta ee kunool daafaha dunidda ayaa u diyaar garoobaya munaasabada ciidul Fidriga, waxaana socda dukaameysi iyo isku qurxinta maalintan farxada gaarka ah u leh dadka Muslimiinta ah ee soomay bisha barakeysan ee Ramadaan.