Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Taliye ku xigeenka Ciidamada Difaaca Uganda oo maanta soo gaaray Muqdisho

    May 17, 2025

    DEG- DEG:- Daawo Muuqaalkaan Ayaa Maanta Qabsaday Guud ahaan Baraha Bulshada ay Kuxariirto iyo Warbaahinta Caalamka

    May 17, 2025

    DEG DEG: Taliyihii Guutada 26aad ee Ciidamada Soomaaliya Xujaale oo la dilay xili uu dagaal kasocday

    May 17, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Taliye ku xigeenka Ciidamada Difaaca Uganda oo maanta soo gaaray Muqdisho

      May 17, 2025

      DEG DEG: Taliyihii Guutada 26aad ee Ciidamada Soomaaliya Xujaale oo la dilay xili uu dagaal kasocday

      May 17, 2025

      DEG DEG Gordhaw Gabadhanoo lagu Dilay Beledweyne

      May 15, 2025

      Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

      May 15, 2025

      Weeraro aay fuliyeen ciidammadda Ruushka oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira

      May 17, 2025

      Maxay Soomaaliya ka baran kartaa Ciraaq oo ay isku xaalad iyo dagaal sokeeye soo wada mareen?

      May 17, 2025

      Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo wadahal ku saabsan xiriirka labo dhinaclaha ah kula yeeshay Bagdaad dhiggiisa Aljeeriya

      May 16, 2025

      Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

      May 14, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Taliye ku xigeenka Ciidamada Difaaca Uganda oo maanta soo gaaray Muqdisho

      May 17, 2025

      DEG- DEG:- Daawo Muuqaalkaan Ayaa Maanta Qabsaday Guud ahaan Baraha Bulshada ay Kuxariirto iyo Warbaahinta Caalamka

      May 17, 2025

      DEG DEG: Taliyihii Guutada 26aad ee Ciidamada Soomaaliya Xujaale oo la dilay xili uu dagaal kasocday

      May 17, 2025

      Weeraro aay fuliyeen ciidammadda Ruushka oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira

      May 17, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Sacuudiga oo Soomaaliya ka furatay ururka OPEC

    Sacuudiga oo Soomaaliya ka furatay ururka OPEC

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJune 30, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Dowladda Sacuudiga ayaa Soomaaliya ku taageertay lacag dhan $36 Malyan oo ahayd deyntii Sanduuqa OPEC uu Soomaaliya ku lahaa, lacagtaan ay Dowladda Saudi Arabia ka bixisay Dowladda Soomaaliya waxaa loo yaqaanaa (Bridge Loan). Sida lagu daabacay bogga Al-Carabiya.

    Heshiiskaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC ay wada gaareen ayaa waxaa qeyb libaax leh ka qaadatay Dowladda Sacuudiga oo fududeysay wada xaajoodka deyn cafintaan xalka looga gaaray iyo habkii loo maray xalinteeda oo muddo ku taagnayd Soomaaliya.

    Wasiirka Maaliyadda ee dowladda Federalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa Soomaaliya ku matalalay kulankaas oo ka dhacay magaalada Vienna ee magaalo madaxda dalka Austria.

    Dhanka OPEC waxaa heshiiska ku matalayay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Caalamiga ah ee ururka OPEC Dr. Cabdulhamid Alkhalifa xilli uu goob joog ka ahaa heshiiska Dr. Mohamed Al-Jadaan oo ah Wasiirka Maaliyadda Dowladda Sacuudi Carabiya.

    Wasiirka Maaliyadda ayaa yiri, “Waxa aan heshiis ka gaarnay Deyntii Sanduuqa OPEC si aan u xallino deymaha uu nagu lahaa Sanduuqa oo gaaraysay $36 Milyan. Waxa aan ka mahadcelineynaa taageerada Dowladda Sacuudiga ee fududeysay dhabaha loo maray xalinta deyntaan. Tani waa guul kale oo laga gaaray wada-xaajoodyada Deyn Cafinta Soomaaliya, ee lagu guuleystay ee taageeraya xasilloonida dhaqaale ee Soomaaliya”.

    Maxay tahay deyntan?

    “Waa deyn ay Soomaaliya qaadatay toddobaatameeyadii ilaa siddeetameeyadii xilligii dowladdii kacaanka waxaana ku lahaa waddamo ama shirkado kala duwan oo ay u weyn yihiin koox loo yaqaano Paris Group ah oo waddamo isu tagay, waxaana horkacayay deyn cafinta Soomaaliya IMF iyo Bankiga Adduunka, marka sannadkii dhamaaday waxaa Soomaaliya laga cafiyay lacag dhan 4.5 milyan oo doollar, laakiin wixii ka dambeeyay waxaa soo baxayay oo deynta qeyb ahaan ku lahaa dhinacyo kale kuwaas oo aanan ku jirin Paris Group,” ayuu Dr Shaafici Shariif Maxamed oo falanqeeya arrimaha dhaqaalaha.

    Waxaa jiray waddamo kale oo Soomaaliya ka cafiyay deymihii ay ku lahaayeen, tusaale sannadkan dhexdiisa Ruushka ayaa Soomaaliya ka caifiyay deyn uu ku lahaa ka dib shirkii xiriirka Ruushka iyo Africa, sidaas si la mid ah Ingiriiska ayaa bil iyo bar ka hor ku dhawaaqay in Soomaaliya lacagtii uu ku lahaa ka cafiyay haddana waxaan arkaynaa OPEC oo ku dhawaaqday in 36 malyan ay iyadana ka cafisay dabcan waddamo kalana waa ay soo bixi doonaan.”

    Maxay Soomaaliya uga dhigan tahay deyntan laga cafiyay?

    Heshiiskan magaalada Vienna ay ku gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC oo sida la sheegay wadxaajood iyo heer kala duwan soo maray ayay khuburadu sheegeen in Soomaaliya ay uga dhigan tahay inay fursad u heli doonto mustaqbalka dhaw in ay qayb ka noqoto deeqaha iyo mashaariicda horumarineed ee Sanduuqa OPEC uu siiyo si la mid ah dalalka soo koraya ee Afrika.

    Middaan OPEC sida gaarka ah u quseeysa, waxay leeyihiin sanduuq loogu talagay mashaariicda hormarinta oo aan ahayn arrimaha saliidda kaas oo loogu talagalay waddamada dhaqaalahoodu hooseey, marka Soomaaliya awood uma lahayn markii hore ay ku codsato dhaqaalaha OPEC ee hormarinta maaddaama ay ku jirto “Black list” ama liiska Madow sidaas darteed ma codsan karin lacago cusub inay hesho, marka hadda waxay fursad u heshay inay lacag cusub ka codsan karto OPEC taas oo loo isticmaali karo mashaariicda hormarineed ee Soomaaliya,” ayuu yiri sidoo kale Dr Shaafici.

    Isha: BBC

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Taliye ku xigeenka Ciidamada Difaaca Uganda oo maanta soo gaaray Muqdisho

    May 17, 2025

    DEG- DEG:- Daawo Muuqaalkaan Ayaa Maanta Qabsaday Guud ahaan Baraha Bulshada ay Kuxariirto iyo Warbaahinta Caalamka

    May 17, 2025

    DEG DEG: Taliyihii Guutada 26aad ee Ciidamada Soomaaliya Xujaale oo la dilay xili uu dagaal kasocday

    May 17, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Taliye ku xigeenka Ciidamada Difaaca Uganda oo maanta soo gaaray Muqdisho

    May 17, 2025

    DEG- DEG:- Daawo Muuqaalkaan Ayaa Maanta Qabsaday Guud ahaan Baraha Bulshada ay Kuxariirto iyo Warbaahinta Caalamka

    May 17, 2025

    DEG DEG: Taliyihii Guutada 26aad ee Ciidamada Soomaaliya Xujaale oo la dilay xili uu dagaal kasocday

    May 17, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.