Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday in sanadkaan ay qabaneyso tartankii lixaad ee Diyaaradaha fud-fudud ee Hawada sida sahlan isaga kala gudbi kara, waxa uu qabsoomayaa 19ka ilaa 23ka Bisha soo socota Nofeembar 2024.
Goobta uu tartanka ka qabsoomayo waa Garoonka Diyaaradaha ee Al-Thumama ee Magaalada Riyaad waxaana bandhigga kasoo muuqan doonna 15 Diyaarad, halka ay u daawasho tagi doonnaan 100,000 oo ruux sida hadalka loo dhigay.
Madaxa Tartamada u qaabilsan Sacuudiga waa Amiir Suldaan Bin Salman Bin Cabdicasiis ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in Dalkoodu martigeliyo bandhiggaan, rajo fiican ayuu ka muujiyay in uu noqdo mid ay ku qancaan dadka u daawasha tagaya.
Hay’adda Duulista Boqortooyada Sacuudiga ayaa dhankeeda lagu wargeliyay in ay hubiso Diyaaradaha yaryar ee tartanka lagu galayo, Duulliyeyaasha kaxeynaya iyo qaybta hawada loogu talagalay in ay ka adeegsadaan inta tartankaan uu socdo.
“Waan ku faaneynaa in an martigelino dhacdadaan, keliya bandhig ma ahan ee waa soo jiidasho jiilka ku hagi karta hanka lagu gaarayo yoolka Sacuudiga ee 2030ka, waxa aan sii wadi doonnaa taageerrada aan u muujineyno tartamada ceynkani oo kale ah” Ayuu yiri Amiir Suldaan Bin Salman Bin Cabdicasiis.
Sanadihii lasoo dhaafay Sacuudiga waxa uu xoogga saarayay sidii uu sare ugu qaadi lahaa waxyaabaha uu u arko in ay Dadku daneynayaan sida Ciyaaraha qaybahooda kala duwan, Dowladda ayaa dhaqaale badan geliyay Horyaalka Kubadda Cagta Dalkaas oo muddooyinkii dambe dardar ku socday