Dowladda Sacuudiga ayaa amartay in ciidamadu dili karaan dadka ka dhaga adayga inay ka guuraan goob loogu talagaay in la dhiso magaalada mustaqalka taas oo ay maalgalinta dhismaheeda fulinayaan shirkado reer galbeedka sida uu BBC u sheegay sarkaal hore oo wardoonka dalkaasi ka tirsanaa.
Kornayl Rabix Alenesi, ayaa sheegay in lagu armay dadka deeganas inay ka baxaan xariiqaa inta loo qorsheeyey mashruuca Neom.
Mid ka mida dadkii degganaa ayaa la toogtay k adib markii uu ka soo horjeensaday in gurigiisa laga saaro. Dowladda Sacuudiga iyo maamulka mashruuca Neom ayaa diiday inay ka hadlaan arrintan.
Mashruuca Neom, oo ah mida y ku baxayso 500 oo bilyan oo dollar ee Sacuudi Carabiya, waa qayb ka mid ah istaraatijiyaddeeda Hiigsiga 2030 ee Sacuudi Carabiya taasoo ujeeddadeedu tahay in dhaqaalaha boqortooyada laga saaro saliidda kaliya aysan ku ekana ee ay abuuraan mashaariic dhaqaale oo kale.
Magaaladan waxaa la sheegay in ballacedu dhan yahay labo boqol miter halka dhererkeedu dhan yahay 170km balse 2.4km oo kaliya oo ka mida mashruuca ayaa la sheegay in la dhamaystirayo sanadka 2030-ka.
Daraasiin shirkado caalami ah, oo dhowr ka mid ah ay yihiin Ingiriis, ayaa ku lug leh dhismaha Neom.
Meesha laga dhisayo Neom ayaa lagu tilmaamay inay tahay “sharaca maran” ee ugu habboon ee uu leeyahay hoggaamiyaha dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan. Laakiin in ka badan 6,000 oo qof ayaa loo raray mashruuca sida ay dawladdiisu sheegtay
Kooxaha xuquuqul insaanka ee ALQST ee fadhigeedu yahay UK ayaa qiyaastay in tiradan ay intaas ka badan tahay.
BBC-da ayaa falanqeysay sawirada dayax-gacmeedka ee saddex ka mid ah tuulooyinka la burburiyay – al-Khuraybah, Sharma iyo Gayal. Guryaha, dugsiyada, iyo isbitaallada ayaa laga tirtiray khariidada.
Kornayl Alenezi, oo musaafuris ku aaday UK sanadkii hore, ayaa sheegay in amarka fasaxa ee la weydiistay in uu dhaqangeliyo uu ahaa Al-Khuraybah, oo dhan 4.5km dhanka koonfureed kaga beegan xariiqda ‘The Line’. Tuulooyinka waxaa inta badan deganaa qabiilka Xuweytat, kuwaas oo qarniyo badan deganaa gobolka Tabuuk ee waqooyi-galbeed ee dalka.
Wuxuu sheegay in amarki Bishii Abriil 2020-kii uu ahaa in deegaanka Xuweyntat oo ka kooban qaybo badan Mucaarado ah, qofkasta oo iska caabiya amarka saaritsa in la dilo , sababtoo ah cidda fulinaysa amarkaas ayaa haystay ruqsada adeegsiga awood wax dil ah.
Wuxuu ka gaabsaday howlgalka sababo caafimaad oo la ikhtiraacay, ayuu u sheegay BBC-da, laakiin si kastaba ha ahaatee way sii socotay.
Cabdiraxim Al-Xuweyti, oo diiday in guddiga diiwan gelinta dhulku ay qiimeeyaan hantidisa uu ku lahaa deegaankaas ayaa maalin ka dib ay toogteen masuuliyiin ka tirsan Sacuudiga, xilli ay ku guda jireen howl galka nadiifinta. Waxa uu hore muuqaalo kala duwan u soo dhigay baraha bulshada oo uu kaga soo horjeedo raritaannada.
War qoraal ah oo ay soo saareen laamaha ammaanka ee dowladda Sacuudiga xilligaasi oo lagu eedeeyay in Al-Xuweynti, ay rasaas ku fureen ciidamada ammaanka, waxaana lagu qasbay inay ka jawaabaan. Hay’adaha xuquuqul insaanka iyo Qaramada Midoobay ayaa sheegay in loo dilay si fudud in uu u diiday in laga saaro dhulkiisa.
BBC ma aysan awoodin in ay si madax banaan u xaqiijiso hadalka Col. Alenezi ee ku saabsan habka xoogga wax dilka.
Laakiin qof xog-ogaal u ah shaqada hoggaanka sirdoonka Sucuudiga ayaa noo sheegay marag-furka kornaylka ee la xirirta sida amarka caddaynta loo gaadhsiiyey iyo waxa uu sheegayba – in ay waafaqsan tahay waxa ay ka og yihiin hawlgalladan oo kale.
Ugu yaraan 47 kale oo dad reer tuulo ah ayaa la xiray ka dib markii ay iska caabiyeen raritaan, kuwaas oo intooda badan lagu soo oogay dacwado la xidhiidha argagixisanimo, sida ay sheegeen Qaramada Midoobay iyo ALQST.
Afartan ka mida dadkaas ayaa weli ku jira xabsiga, kuwaas oo shan ka mid ah ay ku dhaceen xukun dil sida ay sheegtay ALQST. Dhowr qof oo kale ayaa la xiray iyagoo ka baroor diiqaya geeida Al-Xuweynti kuna soo bandigay baraha bulshada.
Maamulka Sacuudiga ayaa sheegay in dadka looga baahan yahay inay u guuraan khadka ‘The lne’ la siiyay magdhow. Laakin tirooyinka la bixiyay ayaa aad uga yar intii la ballanqaaday, sida ay sheegtay AlQst.
Sida laga soo xigtay Col Alenezi, “[Neom] waa udub dhexaadka fikradaha Mohamed Bin Salmaan. Taasi waa sababta uu si naxariis darro ah ula dhaqmay Xuweynti.”
Maamule sare oo hore uga ahaan jiray Neom ayaa BBC-da u sheegay in uu maqlay dilka CabdulraximAl- Xuweynti dhowr todobaad ka hor inta uusan u tagin Mareykanka . Andy Wirth waxa uu sheegay in uu si isdaba joog ah u waydiiyey shaqaalihii uu u shaqaynayay, laakiin kuma qancin jawaabaha.
Waxa uu ka tagay mashruuca wax ka yar hal sano ka dib markii uu ku biiray, isaga oo ka xumaaday maamulkiisa.
Maamulaha shirkada Solar Wataer PLC oo laga leeyahay Ingiriiska qaybna ka ahayd mashruuca qoondadeeda lacageed ee mashruucana dhamaa 100 milyan ayaa ku tilmaamay wax daran mashruuca.
Dadkii tuulada ka barakacay aad ayay uga gaabsadeen inay ka hadlaan, iyagoo ka baqaya in la hadalka warbaahinta shisheeye ay khatar kale sii gelin karto ehelladooda xiran.
Nader Xijaazi, kani maha magaciisa saxda ah, wuxuu ku koray Casisiyah, mid ka mid ah ku dhawaad 63 xaafadood oo ay saameeyeen burburka. Guriga aabbihii ayaa la dumiyey 2021, kaas oo uu helay digniin wax ka yar bil. Xijaazi ayaa sheegay in sawiradii uu ku arkay xaafadiisii hore ay ahaayeen kuwo laga naxo.
“Waxay dagaal ku qaadayaan dadka, dagaal ayay ku hayaan aqoonsigeenna” ayuu intaas raaciyey.
Laakin Col. Alenezi kama qoomameyn go’aanka uu ku diiday amarada la xiriira magaalada mustaqbalka ee Sacuudiga.
“Maxamed Bin Salmaan ma ogolaan doono in aan waxba hor istaagin dhismaha Neom… Waxaan bilaabay in aan aad uga walwalo waxa la i waydiin karo in aan ku sameeyo dadkayga.”