Senatar Lindsey Graham, oo ka tirsan xisbiga jamhuuriga Mareykanka ayaa sheegay Israa’iil inay xaq u leedahay in ay ku garaacdo Qasa hub nukliyeer ah, si ay dagaalka u soo afjarto.
Waxaa uu xaaladda Qasa barbar dhigaya dagaalkii labaad ee adduunka,wuxuu sheegay Mareykanka inuu ku dhuftay bam nukliyeer ah Hiroshima, isagoo uga dan leh in dagaalka la soo afjaro.
“Waqtigan waa inay Israa’iil sameyso wax walba, si dagaalka loo soo gabagabeeyo” ayuu intaas ku daray Senatar Lindsey Graham, oo ka tirsan xisbiga jamhuuriga Mareykanka.
Hadalka Senatorka ayaa waxaa si kulul u cambaareeyey xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamanka m Mareykanka oo ku tilmaamay mid ay ka muuqato masuuliyad daro.
Wasiir ka tirsan kuwa midigta fog ee Israel ayaa horey u soo jeediyey sidan oo kale in bam nuclear ah lagu garaaco Gaza, lana baabbi’iyo dhamaan dadka ku nool oo uu sheegay iney ka kooban yihiin Xamaas iyo kuwa taageersan.