Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamud wuxuu sameeyey wanaag kasta oo diblomasiyadeed oo uu ku difaacayo danaha dalkiisa, waxeyna tilaabooyinkaas uu qaaday ay ka wada turjumayaan dulqaadka looga baahan yahay hogaamiye masuula oo habdhaqankiisu yahay adkeysi uu uga afeefanayo inuu ka shalaayo inuusan sameyn tilaabooyin lama huraan noqon karey oo gadaal dambe la isdhihi karo maxaa horay loogu qaban waayey ama dhici karta in mucaaradku ay qiil ka dhigan karaan, iyagoo ku andacoonaya haddii sidaas horay loo qaban lahaa sidaan ma dhacdeen.
Madaxweynaha oo waajibkiisa dulqaad ku gudanaya ayaa xushmaddaro kala kulmay dowladda Itobiya oo uu marti ugu ahaa shirka Midowga Afrika oo ka dhacay Addis Ababa, waana dhacdo xanuun badan oo lagula kaco Soomaaliya oo xubin ka ah Midowga Afrika, balse falkaas bedelkiisa ay ka dhalaneyso cawaaqibxumo waxyeelo ku reebeysa siyaasadxumada dowladda Itobiya oo mustaqbalka dhow ay ka dhaxleyso natiijo aysan mahdin doonin oo ka falcelin doonta falfal xumada ay kula kacday wefdiga Soomaalida, waxeyna maamuusxumadaas ay banaanka keeneysaa sumcadxumada hogaamiyaha Itobiya oo aragtidiisa hogaamineed ay ku kooban tahay iska cabin ku dhisan dhowaan arag cabireysa sida uu u doonayo inuu horumar waara bedelkeeda uu ka doorbido gaarid guul kmg.
Madaxweynaha Soomaaliya aragtidiisu waxey ku saleysan tahay fogaan arag cabiraysa hiigsiga natiijooyin waxtar leh oo lagu gaaro mustaqbalka fog, kaas oo salka ku haya inaan dhegaha loo raaricin xadgudubyada Itobiya oo dantu ay biday hanjabaad, cagajugleyn, iyo daandaansi aan asluub lahayn, waxaana ugu dambeysta himiladiisa gaaraya hogaamiyaha dulqad asluubeysan hadafkiisa ku gaara, maxaa yeelay wixii xanaaq lagu go’aansado waxey ku dhamaadaan fashil, waxaana xaqiiqa in dhibaateynta madaxda Soomaaliya aysan ahayn arrin shaqsiyadeed, balse ay tahay arrin la xiriirta waxyeeleynta qaranimada Soomaaliya, sidaas daradeedna aysan ahayn wax quseeya madaxda oo keeni karta aargoosi siyaasadeed oo ay arrintaas uga falceliyaan.
Hogaamiyaha Itobiya wuxuu dhexda uga jiraa mowjado siyaasadeed, kuwo dhaqaale, iyo kuwo dagaalo sokeeye oo ku furan maskaxdiisa, wuxuuna dareemayaa taagdaro hogaanxumo, wuxuuna ku taamayaa xaalada uu ku jiro inuu rabo xumaanteeda in lala qeybsado, waana astaan muujineysa inuusan waxba reebaneyn ama uusan xeerineyn xumaan uu ka dhowrsado, maxaa yeelay ku dhiiranaanta falxumadiisa ayaa waxey cadeyn buuxda ka bixineysaa dhaawaca iyo dhiigbaxa gudihiisa ka dhex qulqulaya oo aysan jariimadiisu banaanka ka muuqan.
Itobiya waxey xeelad xumadaas u sameysay iney ku adkaatay iney hesho qaab ay u marto hab maamuska wefdiga Soomaaliya oo dhaawacyo badan oo siyaasadeed u geystey dowladda Itobiya, waxeyna garan weysey si kale oo ay uga hortagto Somaliya oo gudaha Itobiya ka dhex bilawda dagaal siyaasadeed oo dhiirogelin kara shacabka Itobiya oo dhegahooda ay maqlaan jabka siyaasadeed ee hogaamiyahooda, waxeyna taas ku kaliftay dowladda Itobiya iney wefdiga Soomaaliya ka horistaagaan inaysan sinaba ugu suurtogelin iney la kulmaan warbaahinta madaxabanaan, wufuuda shirka ka soo qeybgalay, iyo madaxda caalamka oo korjoogtada ka ah shirka.
Hogaamiyaha Soomaaliya waxaa la gudboon in kuleylka iyo karkarka Itobiya aysan dulqaadka degenaanshihiisa aysan wax saameyna ku yeelan, maxaa yeelay wakhtiga iyo dulqaadka ayaa wax badan oo caqabado ah xal u helaya, iyadoo ay suurtogal tahay in labada dal ay weli leeyihiin xiriir darisnimo, isku socodka dadka, badeecad isdhaafsiga ganacsiga, dulimaadyada diyaaradaha, iska wada cabinta argagixisada, iyo ka wada shaqeynta amniga xuduudaha, kuwaas oo dhamaantood waxtar weyn ay ugu jirto maslaxadaha ka dhexeeysa labada shacab, kuwaas oo aan si fudud hogaamiye xun dartiis aan go’aan deg dega looga gaari karin.
Fekerka indheergaradka ku dhisan oo ay Soomaaliya adeegsaneyso ayaa waxey meel dheer indhaha ugu haysaa in maamulka Itobiya ee hadda jira uu marayo marxalad gabaabsiya, sidaasna ay Soomaaliya indhaha ugu hayso isbedelka imaan doona kadib marka uu meesha ka baxo hagoomiyaha hadda jooga, iyadoo saadaasha rajadu tilmaameyso in maslaxadaha labada dal ay soo hagaagi doonaan, taas oo dib u soo celin doonta derisnimo wanaaga ka dhexeeya labada dal, waxeyna taas ay meesha ka saareysaa aragtida dhowaan araga ah oo tilmaameysa in xasarada hadda jirta lagu xaliyo laablakac xambaarsan xamaasad, ciil, cuqdad, iyo carro xiriirka labada dal loogu kala gooyo, taas oo ah sida ay rabto Itobiya oo dooneysa marmarsiyo ay qiil ugu hesho waxyeeleynta wadan aan xiriir kala dhexeyn, maxaa yeelay xiriirka ayaa dabraya.
Waxaa nasiib wanaaga dadaalada uu sameynayo madaxweynaha Soomaaliya oo si degenaan leh oo xirfadnimo laga dheehan karo kula macaamilaya xarig jiidka ay ku gacmo daashey dowladda Itobiya, taas oo ku dhalisay jahwareer siyaasadeed oo ay ka qaadeen quuriweytada Soomaaliya, waxeyna malaheeda ay noqon weysey sida ay maleynayeen oo natiijadeedu noqotay wexey rabeen bedelkeeda, waxaana amakaag ku noqotay iney ku hungoobeen in loo yeeli waayo sida ay rabeen ama ay horay ugu barteen, taas oo ahayd in loo rukuuco marka ay lugaha dhulka ugu dhuftaan madaxda maamul goboleedyada oo ay ka midka tahay Somaliland iyo weliba dhamaanba madaxdii dowladda Soomaaliyeed ee horay dalka u soo maamulay wixii ka dambeeyey burburkii dagaalada sokeeye kadib, waxaana sidaas daradeed dowladda Itobiya filanwaay ku noqotay oo ku adkaatay iney noqoto wax ay qaadan waayaan waxa ay kala kulmeen dowladda Soomaaliya oo u ahaan jirtey hayiin ay ka yeelaan sidii ay doonaan.
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
[email protected]