Close Menu
    What's Hot

    Galdogob: Isimmada Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ku caan-shubay Ugaaska beelaha Tanade-Daarood, Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas 

    February 8, 2026

    DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

    February 7, 2026

    DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

    February 7, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Galdogob: Isimmada Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ku caan-shubay Ugaaska beelaha Tanade-Daarood, Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas 

      February 8, 2026

      DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

      February 7, 2026

      DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

      February 7, 2026

      DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

      February 7, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Galdogob: Isimmada Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ku caan-shubay Ugaaska beelaha Tanade-Daarood, Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas 

      February 8, 2026

      DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

      February 7, 2026

      DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

      February 7, 2026

      DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

      February 7, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Saciid Ciise: “Abaal waxaa mudan Siyaasiyiinta raba wax ka bedelka Dastuurka”

    Saciid Ciise: “Abaal waxaa mudan Siyaasiyiinta raba wax ka bedelka Dastuurka”

    By radiohalgan.comFebruary 25, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email
    • LOCAL NEWS
    • ENGLISH NEWS
    • WORLD NEWS
    • VIDEOS
    • CONTACT
    • PRIVACY
    Home  NEWS

    Saciid Ciise: “Abaal waxaa mudan Siyaasiyiinta raba wax ka bedelka Dastuurka”

    By

    Caydiid Ali

     –

    February 24, 2024

    Wax lala yaabo maahan in siyaasiyiin Soomaaliyeed oo mucaarada ay ka soo horjeestaan isbedel siyaasadeed oo lagu sameeyo waxyaabihii soo jireenka u ahaa siyaasadda Soomaaliya qarnigii tegey, kuwaasoo rabitaanka fikradahoodu ay raacsan yihiin in wax walba sida ay ahaan jireen ay sii ahaadaan, iyadoo kuwaas aan lagu sameyn wax isbedela oo salka ka rujiya wixii soo jiriinka ahaa oo bulshada dhexdeeda ka dhaqan galay.

    Fikradaha nuucaasa waxaa aaminsan siyaasiyiinta isbedel diidka ah oo ku dhegen dhaqan la yuurarka asalraaca ah (Conservative politics), waxeyna rumeysan yihiin haddii uu jiro hanaan shaqeynaya in isagaas la sii haysto oo la iska dayactirto oo ku dhaqankiisa aan la ciribtirin, balse lagu dhex shaqeysiiyo wax walba oo soo kordha, laguna dhex socodsiiyo meelmarintooda intii lagu bedeli lahaa hanaan cusub oo la qabsigiisu qaadanayo sanooyin badan.

    Isbedelka tiknolojiyada lagu casriyeynayo ma dhaceen haddii farsamooyinkii hore la iska heysan lahaa, balse waxaa laga gudbey iyagoo shaqeynaya, waxaana tusaale ahaan loo soo qaadan karaa makiinadihii wax lagu qoran jirey oo isbedelo badan ka dib ay ka dhalatay curinta computer-ka, sidaas si la midana ay telefoonada casriga ah ee maanta la haysto ay u bedeleen isgaarsiintii horay u jirtey.

    Dhaqan la yuurarku kuma wanaagsana siyaasadda, dhaqanka, farsamada tiknolajiyada, iyo cilmigaba, kuwaas oo dhamaantood isla bedelaya wakhtiga iyo horumarka lagu gaarayo cilmibaarista, waxaana wanaagsan in waayoaragnimo laga barto taariikhda horay loo soo maray, haddana ay tahay in taas bedelkeeda aragti tii hore ka duwan lagu fiiriyo mustaqbalka soo socda oo ay tahay iney barbar socdaan isbedelo lagu casriyeynayo horumarinta lagu barwaaqeynayo waxtarka nolosha bulshada, waxeyna timaadadu u baahan tahay maskaxdii horay u soo jirtey mid ka duwan oo rabitaanka nolosha jiilasha cusub la saan qaadi karta.

    Siyaasiyiinta dhaqan-siyaasadeedkoodu ku dhegen yahay gadaal araga ku saleysan isbedeldiidka oo ay u wehliso maskax xirnaanta, ayaa waxaa bedelkooda ka soo horjeeda siyaasiyiinta isbedel doonka ah oo aragtidoodu salka ku hayso fogaan araga ay wehliso maskax furnaanta, taas oo fikirkooda loogu baahan yahay haqabtirka rabitaanka ay dadku u qabaan helida isbedel waxtar u leh horumarinta mustaqbalka oo ay dadku ku noolaadaan nolol horumarsan oo dhibaatooyinkeeda ay si casrisan uga gudbaan, waxaana tusmo ahaan taas cadeynaysa sida berigii hore baahida loogu qabey horumarka gadiidka oo ay aragtidii hore uga soo bilaabatay adeegsiga xoogga xoolaha, taas oo ay bedelkeeda aragtida cusub ay soo saartay gaadidyo casriya oo ku shaqeeya isticmaalka tamarta nuucyadeeda kala duwan.

    Siyaasiyiinta ku dhegen inaan isbedel lagu sameyn dastuurka waa kuwa aragtidoodu gadaal arag tahay oo wanaagi horay loo soo maray wakhtigii hore ee beri samaadka ahaa oo ay weli maskaxdoodu ku nooshahay, wakhtiyadaas oo laga yaabo iney iyagu ku lahayeen saameyn xooggan, sidaasna ay ugu adkeysanayaan iney weli sii arkaan wixii ay horay u hirgeliyeen oo weli sii shaqeeynaya, waxeyna aragtidoodu ay xoojineysaa isku milanka qabyaalada iyo dowladda, ku sii dhaqmida hanaanka 4.5, geeljireynta federaalka, awoodsiinta musuqa xukunka baarlamaanka, iyo diidmada awooda dowlanimada oo shacabka codkooda dib loogu celiyo.

    Waxaa kaloo jirta siyaasiyiin jirjirooleyaala oo diidan in isbedel lagu sameeyo dastuurka iyaga dhaqankooda inta badan ku muujinaya iney ka soo jeedaan siyaasiyiinta jecel isbedel doonka, waxaana sidaas iney siyaasadoodu u gabi dhacleyso ugu wacan, iyagoo rumeysan in siyaasdaha u gaarka ah bulshadooda ay dantu ugu jirto in lagu sii socdo sida ay horay wax u ahayeen, maxaa yeelay siyaasiyiintii ka horeysey ayaa keydad qarsoon ku dhex beeray nidaamka horay u jirey.

    Waxey siyaasadaha ku dhisan isku tanaasulka ay wada raacsan yihiin in siyaasi walba uu xaq u leeyahay inuu cabiro fikirka uu aaminsan yahay, iyadoo aan loo baahnayn in aragtidiisa lagu colaadiyo ama lagu waxyeeleeyo sharafkiisa, waxaana xaqiiqa in labada fikradood oo kala taageersan geedisocodka horumarka lagu hiigsanayo (Progressive) iyo negaanshaha  lagu xagsanayo wanaagii horay loogu soo caano maalay (Regressive) ay bulshooyinku kala raacsan yihiin, waxaana aqlabiyada loo badan yahay tilmaan ka bixin kara marka doorasho qof iyo cod ah lagu kala doorto laba musharax oo labadaas fikradood kala aaminsan.

    Dastuurka in la dhameystiro ayaa wuxuu ka turjumayaa in qodobo lagu daro oo qodobo kale laga tago, iyo in qodoboda qaar saxid lagu bedelo, intaasba waa isku wada mid oo macnaheedu waa in dastuurka lagu sameeyo isbedel si loo dhameystiro, waxaana wax ka bedelka dastuurka hoos imanaya tafsiirka ereyadaan kala ah: Qaadasho; tuuris; bedelid; sixid; dib u eegis; cusboneysiin; iyo qabyotir (constitutional completion: Amendment, review, revision, ratification, reform, update, modify, alter, and modify).

    Dr. Saciid Ciise Maxamud
    Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Galdogob: Isimmada Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ku caan-shubay Ugaaska beelaha Tanade-Daarood, Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas 

    February 8, 2026

    DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

    February 7, 2026

    DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

    February 7, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Galdogob: Isimmada Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ku caan-shubay Ugaaska beelaha Tanade-Daarood, Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas 

    February 8, 2026

    DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

    February 7, 2026

    DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

    February 7, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.