Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025

    DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 4, 2025

      Raiisulwasaare Hamze iyo taliyaha cusub NISA Mahad Salad oo goordhow u ambabaxay dalka Jabuuti

      June 1, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Madaxweynaha Somaliland oo maanta u safraya dalka Kenya

      May 26, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 4, 2025

      Raiisulwasaare Hamze iyo taliyaha cusub NISA Mahad Salad oo goordhow u ambabaxay dalka Jabuuti

      June 1, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Saciid Ciise: “Abaal waxaa mudan Siyaasiyiinta raba wax ka bedelka Dastuurka”

    Saciid Ciise: “Abaal waxaa mudan Siyaasiyiinta raba wax ka bedelka Dastuurka”

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 25, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email
    • LOCAL NEWS
    • ENGLISH NEWS
    • WORLD NEWS
    • VIDEOS
    • CONTACT
    • PRIVACY
    Home  NEWS

    Saciid Ciise: “Abaal waxaa mudan Siyaasiyiinta raba wax ka bedelka Dastuurka”

    By

    Caydiid Ali

     –

    February 24, 2024

    Wax lala yaabo maahan in siyaasiyiin Soomaaliyeed oo mucaarada ay ka soo horjeestaan isbedel siyaasadeed oo lagu sameeyo waxyaabihii soo jireenka u ahaa siyaasadda Soomaaliya qarnigii tegey, kuwaasoo rabitaanka fikradahoodu ay raacsan yihiin in wax walba sida ay ahaan jireen ay sii ahaadaan, iyadoo kuwaas aan lagu sameyn wax isbedela oo salka ka rujiya wixii soo jiriinka ahaa oo bulshada dhexdeeda ka dhaqan galay.

    Fikradaha nuucaasa waxaa aaminsan siyaasiyiinta isbedel diidka ah oo ku dhegen dhaqan la yuurarka asalraaca ah (Conservative politics), waxeyna rumeysan yihiin haddii uu jiro hanaan shaqeynaya in isagaas la sii haysto oo la iska dayactirto oo ku dhaqankiisa aan la ciribtirin, balse lagu dhex shaqeysiiyo wax walba oo soo kordha, laguna dhex socodsiiyo meelmarintooda intii lagu bedeli lahaa hanaan cusub oo la qabsigiisu qaadanayo sanooyin badan.

    Isbedelka tiknolojiyada lagu casriyeynayo ma dhaceen haddii farsamooyinkii hore la iska heysan lahaa, balse waxaa laga gudbey iyagoo shaqeynaya, waxaana tusaale ahaan loo soo qaadan karaa makiinadihii wax lagu qoran jirey oo isbedelo badan ka dib ay ka dhalatay curinta computer-ka, sidaas si la midana ay telefoonada casriga ah ee maanta la haysto ay u bedeleen isgaarsiintii horay u jirtey.

    Dhaqan la yuurarku kuma wanaagsana siyaasadda, dhaqanka, farsamada tiknolajiyada, iyo cilmigaba, kuwaas oo dhamaantood isla bedelaya wakhtiga iyo horumarka lagu gaarayo cilmibaarista, waxaana wanaagsan in waayoaragnimo laga barto taariikhda horay loo soo maray, haddana ay tahay in taas bedelkeeda aragti tii hore ka duwan lagu fiiriyo mustaqbalka soo socda oo ay tahay iney barbar socdaan isbedelo lagu casriyeynayo horumarinta lagu barwaaqeynayo waxtarka nolosha bulshada, waxeyna timaadadu u baahan tahay maskaxdii horay u soo jirtey mid ka duwan oo rabitaanka nolosha jiilasha cusub la saan qaadi karta.

    Siyaasiyiinta dhaqan-siyaasadeedkoodu ku dhegen yahay gadaal araga ku saleysan isbedeldiidka oo ay u wehliso maskax xirnaanta, ayaa waxaa bedelkooda ka soo horjeeda siyaasiyiinta isbedel doonka ah oo aragtidoodu salka ku hayso fogaan araga ay wehliso maskax furnaanta, taas oo fikirkooda loogu baahan yahay haqabtirka rabitaanka ay dadku u qabaan helida isbedel waxtar u leh horumarinta mustaqbalka oo ay dadku ku noolaadaan nolol horumarsan oo dhibaatooyinkeeda ay si casrisan uga gudbaan, waxaana tusmo ahaan taas cadeynaysa sida berigii hore baahida loogu qabey horumarka gadiidka oo ay aragtidii hore uga soo bilaabatay adeegsiga xoogga xoolaha, taas oo ay bedelkeeda aragtida cusub ay soo saartay gaadidyo casriya oo ku shaqeeya isticmaalka tamarta nuucyadeeda kala duwan.

    Siyaasiyiinta ku dhegen inaan isbedel lagu sameyn dastuurka waa kuwa aragtidoodu gadaal arag tahay oo wanaagi horay loo soo maray wakhtigii hore ee beri samaadka ahaa oo ay weli maskaxdoodu ku nooshahay, wakhtiyadaas oo laga yaabo iney iyagu ku lahayeen saameyn xooggan, sidaasna ay ugu adkeysanayaan iney weli sii arkaan wixii ay horay u hirgeliyeen oo weli sii shaqeeynaya, waxeyna aragtidoodu ay xoojineysaa isku milanka qabyaalada iyo dowladda, ku sii dhaqmida hanaanka 4.5, geeljireynta federaalka, awoodsiinta musuqa xukunka baarlamaanka, iyo diidmada awooda dowlanimada oo shacabka codkooda dib loogu celiyo.

    Waxaa kaloo jirta siyaasiyiin jirjirooleyaala oo diidan in isbedel lagu sameeyo dastuurka iyaga dhaqankooda inta badan ku muujinaya iney ka soo jeedaan siyaasiyiinta jecel isbedel doonka, waxaana sidaas iney siyaasadoodu u gabi dhacleyso ugu wacan, iyagoo rumeysan in siyaasdaha u gaarka ah bulshadooda ay dantu ugu jirto in lagu sii socdo sida ay horay wax u ahayeen, maxaa yeelay siyaasiyiintii ka horeysey ayaa keydad qarsoon ku dhex beeray nidaamka horay u jirey.

    Waxey siyaasadaha ku dhisan isku tanaasulka ay wada raacsan yihiin in siyaasi walba uu xaq u leeyahay inuu cabiro fikirka uu aaminsan yahay, iyadoo aan loo baahnayn in aragtidiisa lagu colaadiyo ama lagu waxyeeleeyo sharafkiisa, waxaana xaqiiqa in labada fikradood oo kala taageersan geedisocodka horumarka lagu hiigsanayo (Progressive) iyo negaanshaha  lagu xagsanayo wanaagii horay loogu soo caano maalay (Regressive) ay bulshooyinku kala raacsan yihiin, waxaana aqlabiyada loo badan yahay tilmaan ka bixin kara marka doorasho qof iyo cod ah lagu kala doorto laba musharax oo labadaas fikradood kala aaminsan.

    Dastuurka in la dhameystiro ayaa wuxuu ka turjumayaa in qodobo lagu daro oo qodobo kale laga tago, iyo in qodoboda qaar saxid lagu bedelo, intaasba waa isku wada mid oo macnaheedu waa in dastuurka lagu sameeyo isbedel si loo dhameystiro, waxaana wax ka bedelka dastuurka hoos imanaya tafsiirka ereyadaan kala ah: Qaadasho; tuuris; bedelid; sixid; dib u eegis; cusboneysiin; iyo qabyotir (constitutional completion: Amendment, review, revision, ratification, reform, update, modify, alter, and modify).

    Dr. Saciid Ciise Maxamud
    Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025

    DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 4, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025

    DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.