Close Menu
    What's Hot

    DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

    February 7, 2026

    DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

    February 7, 2026

    DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

    February 7, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

      February 7, 2026

      DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

      February 7, 2026

      DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

      February 7, 2026

      DEGDEG:- Xildhibaano iyo Ciidan isku dhex dagaalay xarunta Baarlamaanka,

      February 7, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

      February 7, 2026

      DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

      February 7, 2026

      DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

      February 7, 2026

      DEGDEG:- Xildhibaano iyo Ciidan isku dhex dagaalay xarunta Baarlamaanka,

      February 7, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Sabata dumarka Kuuriyada Koofureed aysan u rabin inay carruur dhalaan

    Sabata dumarka Kuuriyada Koofureed aysan u rabin inay carruur dhalaan

    By radiohalgan.comFebruary 29, 20246 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Waa galabnimo Talaado ah oo roob da’ayo, Yejin aqalkeeda ayey qada ugu karinaysaa saaxiibadeed, halkaas oo ay kaligeed ku nooshahay duleedka magaalada caasimadda Koofur Kuuriya ee Seoul, iyadoo faraxsan.

    Intay wax cunayeen, mid iyaga ka mid ah ayaa taleefoonkeeda lasoo baxday waxayna tustay muuqaalka dinasoor kartoon ah oo caan ka ah dalkaas. β€œKa digtoonow” ayuu leeyahay dinasoorku β€œha dabar gu’ina sidayada”.

    Dumarkii halkaas ku sugnaa dhammaantood way qosleen.

    “Waa wax lagu qoslo, laakiin haddana waa murugo, sababtoo ah waxaan ognahay inaan hor seedi karno karno dabar go’ayaga,” ayey tiri Yejin, oo ah 30-jir soo saare taleefishin ah.

    Midkoodna, ama mid ka mid ah asxaabteeda, ma qorsheynayaan in ay carruur dhalaan. Waxay qayb ka yihiin bulshada sii kordheysa ee haweenka dooranaya nolosha carruur la’aanta.

    Kuuriyada Koonfureed ayaa leh heerka ugu hooseeya ee dhalmada adduunka, hoos u dhaca dhalamada ayaana weli sii socda, iyada oo garaacday heerkii ugu hooseeyay sannadba sanadka ka dambeeya.

    Tirooyinka la sii daayay Arbacadii ayaa muujinaya in ay hoos u dhacday boqolkiiba 8% kale sannadkii tagay ee 2023 illaa 0.72 darajo.

    Tani waxay tilmaamaysaa tirada carruurta la filayo in ay haweeneydu dhasho inta ay nooshahay. Si ay dadku u sii ahaadaan, tiradaasi waa in ay noqotaa 2.1.

    Haddii ay sidan ku sii socoto, dadka Kuuriya waxa lagu qiyaasaa in uu hoos u dhac kala badh ah ku imaanayo halka lagu gaaro sannadka 2100.

    JEAN CHUNG

    XIGASHADA SAWIRKA,JEAN CHUNG

    Xaalad degdeg ah oo qaran

    Si guud caalamka, wadamada horumaray waxay arkayaan heerka dhalmada oo hoos u dhacay, laakiin ma jiro dal ay xaaladiisu u liidato sida tan Kuuriya.

    Saadaashadeedu waa murugo.

    Muddo 50 sano gudahood ah, tirada dadka ee da’da shaqadu waxay noqon doontaa kala badhka tirade hadda, jilka xaqa u lahaa in ay ka qaybqaataan adeegga milatariga ee khasabka ah ee dalka ayaa hoos u dhacay 58%, ku dhawaad kala badh dadku waxay ka weynaan doonaan 65.

    Tani waxay u daran tahay dhaqaalaha, sanduuqa hawlgabka, iyo amniga dalka oo ay siyaasiyiintu ku dhawaaqeen in ay tahay “xaalad degdeg ah oo qaran”.

    Ku dhawaad 20 sano, dowladihii kala dambeeyay ayaa lacago ku harqinayey si dhibaatadan wax looga qabto – 379.8 Tiriliyan oo lacata Koonfur Kuuriya ah ama ($ 288 bilyan oo doolar ayaa lagu bixiyey.

    Yejin waxay dooratay in ay diiradda saarto shaqadeeda telefishanka, taas oo, ay ku doodayso, in aysan u oggolaan waqti ku filan oo ay ku koriso caruur sinaba. Saacadaha shaqada Kuuriya aad bay u dheer yihiin.

    Yejin waxay shaqeysaa shaqo sagaalka subaxnimo ilaa lixda maqribnimo ah laakiin waxay sheegtay in inta badan aysan ka tagin xafiiska ilaa 8-da fiidnimo oo ay jirto waqti dheeri ah oo intaas ka badan. Marka ay guriga timaado, kaliya waxay haysataa wakhti ay ku nadiifiso guriga ama jimicsiga ka hor intaanay seexan.

    “Waan jeclahay shaqadayda, waxay ii keentaa wax badan,” ayay tiri. “Laakin ka shaqeynta Kuuriya waa mid adag, waxaad ku xayiran tahay wareeg shaqo oo joogto ah.”

    Waxaan ogahay wax badan

    JEAN CHUNG

    XIGASHADA SAWIRKA,JEAN CHUNG

    Haweeney 28 jir ah, kana shaqeysay Kheyradka Aadana (HR), ayaa sheegtay in ay aragtay dad lagu qasbay in ay ka tagaan shaqadooda ama loo diiday dalacsiin ka dib markii ay qaateen fasaxa umusha, taas oo ku filneyd in ay ku qanciso in aysan waligeed ilmo dhalin.

    Rag iyo dumarba waxay xaq u leeyihiin fasax sannad ah siddeedda sano ee ugu horreeya nolosha ilmahooda. Laakiin sanadkii 2022, kaliya 7% aabayaasha cusub ayaa isticmaalay qaar ka mid ah fasaxooda, marka la barbardhigo 70% hooyooyinka cusub.

    Haweenka Kuuriya ayaa ah kuwa ugu aqoonta sarreeya kuwa dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee OECD, haddana waddanku waxa uu leeyahay farqiga mushaharka jinsiga ee ugu xun oo celcelis ahaan ka sarreeya saamiga dumarka ee shaqo la’aanta ah marka loo eego ragga.

    Haddii aan ku noqonno guriga Yejin, qadada ka dib, saaxiibadeed ayaa eeg eegaya buugaagteeda iyo alaabteeda kale.

    Iyada oo ku daashay nolosha Kuuriya, Yejin waxay go’aansatay in ay u ambabaxdo New Zealand. Waxay soo toostay subax ka mid ah iyadoo garwaaqsatay in aanay cidina ku qasbin in ay halkan ku nooshahay.

    Waxay cilmi-baadhis ku samaysay waddammada ay aadka ugu sarreeyaan sinnaanta jinsiga, waxaana usoo baxday in ay New Zealand guul ka gaartay dhankaas. “Waa meel ragga iyo dumarka si isku mid ah loo tixgeliyo,” ayay tiri, iyadoo ku dhow qaadan waa, “Marka waan ka tagay.”

    Waxaan waydiiyaa Yejin iyo saaxiibadeeda waxa, haddii ay jiraan, ku qancin kara in ay beddelaan aragtidooda.

    Jawaabta Minsung waa iga yaabisay. “Waxaan jeclaan lahaa inaan caruur dhalo, waxaan lahaan lahaa 10 haddii aan awoodo,” Haddaba, maxaa diidaya sidaas, ayaan weydiiyaa? 27-jirkan ayaa ii sheegtay in ay tahay lab iyo dhedig oo ay leedahay lamaane isku jinsi ah.

    Guurka isku jinsiga ah waa sharci-darro Kuuriyada Koofureed, dumarka aan la qabin guud ahaan looma ogola in ay isticmaalaan deeq-bixiyeyaasha shahwada si ay uur u qaadaan.

    “Waxaan rajeyneynaa in maalin uun ay tani isbedesho, oo aan awoodi doono inaan guursado oo aan caruur u dhalo qofka aan jeclahay,” ayay tiri.

    Asxaabtu waxay tilmaamayaan yaabka leh, marka loo eego xaaladda dadka Kuuriya ee khatarta ah, in haweenka qaarkood ee doonaya in ay hooyooyin noqdaan aan loo oggolayn in ay noqdaan.

    Laakiin waxay u muuqataa in siyaasiyiintu ay si tartiib tartiib ah u aqbalayaan qoto dheeraanta iyo kakanaanta dhibaatada.

    Bishan, madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol waxa uu qiray in isku daygii lagu doonayay in lagaga baxo dhibaatada “aanay shaqayn”, iyo in Kuuriyada Koonfureed ay tahay goob uu ka jiro”tartan xad dhaaf ah oo aan loo baahnayn”.

    Wuxuu sheegay in dowladiisa ay hadda ula dhaqmi doonto heerka dhalmada hoose sida “dhibaatada qaabdhismeedka” – inkastoo sida tan siyaasad ahaan loogu turjumi doono ay tahay wax aan weli dhicin.

    Horaantii bishaan, waxaan la kulmay Yejin oo ka timid New Zealand, halkaas oo ay ku noolayd muddo saddex bilood ah.

    Waxay ka sheekaynaysay nolosheeda cusub iyo asxaabteeda, iyo shaqadeeda oo ka shaqaynaysay jikada maqaaxida. “Isku dheelitirnaanta shaqada iyo nolosha ayaa aad u wanaagsan,” ayay tidhi. Waxay qabanqaabin kartaa in ay la kulanto asxaabteeda inta lagu jiro usbuuca.

    “Waxaan dareemaa in aad looga ixtiraamo shaqada, dadkuna ma aha kuwa la yaaba,” ayay raacisay.

    “Waxay iga haysaa in aanan gurigaba aadin.”

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Waxaa farxad iyo guul weyn ii ah in aan soo gabagabeeyo buuggii aan muddo dheer ku hawlanaa, kaas oo cinwaankiisu yahay Halgan

    January 25, 2026

    Sama fale Cabdicasiis Muudeey oo u dhaq-dhaqaaqa caawinta bulshada dan yarta ah ayaa weli wada caawinta iyo afurinta qoysaska danyarta ah ee beledweyne ku sugan. (SAWIRRO)

    March 19, 2024

    Sida khuuradu u dhibaateyn karto guurkaaga iyo xalka looga bogsan karo

    March 19, 2024
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

    February 7, 2026

    DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

    February 7, 2026

    DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

    February 7, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.