Saxafiga Fabrizio Romano ayaa shaaca ka qaaday sababtii ayna Arsenal ula saxiixan xiddiga Ruben Neves kadib markii uu xiddiga khadka dhexe sheegay in uu aad ugu dhawaa ku biirista Gunners xagaagii hore.
Gunners ayaa xiiso u qabtay xiddigii hore ee Wolves sanadkii hore laakiin heshiiska ayaan dhicin iyada oo Neves uu ku biiray kooxda Al-Hilal ee ka ciyaarta horyaalka sucuudiga.
Xiddiga oo la hadlaya wargayska Ojogo ayaa u sheegay in uu aad ugu dhawaa ku biirista Arsenal ka hor inta uuna ugu dambayn ku biirin horyaalka sucuudiga.
βWaxa aan aad ugu dhawaa ku biirista 3 kooxo oo ay Arsenal ka mid tahay xagaagii laakiin heshiiska ayaan ugu dambayn dhicin taas oo i niyad jabisay kadib waxa aan ku biiray Al-Hilalβ.
Fabrizio Romano ayaa haatan shaaca ka qaaday sababtii uuna Neves ugu biirin ArsenalβArsenal kaliya wakiilkiisa ayay wax ka waydiisay helitaankii laakiin heshiisku intaas ma dhaafsiisnaynβ.
βLacagta lagu heli karo ayaa ahayd dhibaatada ugu weyn sidaas darteed Arsenal ayaa goβaansatay in ay kalsoonida siiso Thomas parteyβ.

