Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

    July 28, 2025

    MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

    July 28, 2025

    Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

    July 28, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

      July 28, 2025

      MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

      July 28, 2025

      Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

      July 28, 2025

      Dagaal culus oo xalay ka dhacay Degmada Doolow ee G/Gedo

      July 28, 2025

      9 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday maxkamad ku taal dalka Iran,

      July 26, 2025

      Soomaaliya iyo Azerbaijan oo iska kaashanaya dhinaca Difaaca

      July 25, 2025

      Akhriso:- WhatsApp ma wuxuu noqday aalad wax basaasta

      July 22, 2025

      Samatabbixiyeyaasha Congo oo gacmahooda ku qodaya si ay soo saaraan macdan qodayaal ku go’doonsan Dhulka.

      July 22, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

      July 28, 2025

      MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

      July 28, 2025

      Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

      July 28, 2025

      Dagaal culus oo xalay ka dhacay Degmada Doolow ee G/Gedo

      July 28, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » S/L: Aqoonsiga wadaniyadda ee dhimashada kadib

    S/L: Aqoonsiga wadaniyadda ee dhimashada kadib

    By radiohalgan.comMarch 1, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Muuse Biixi, hoggaamiyaha waqtiga ka dhamaaday ee Somaliland waxaa qodobka khaa’inu waddan ugu xukuman qof walba oo xil ka qabtay ama haddaba ka haya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

    Dadka reer Waqooyiga ah ee dowladda dhexe ee Soomaaliya u shaqeeya looma ogola inay qoysaskooda booqdaan, ama xitaa haddii ay geeri dhacdo inay ka qeyb-galaan tacsida.

    Qofkii Muqdisho xil ka haya oo Hargeysa tega waa xadhig oo waxa uu nidaamka Somaliland u yaqaana qof ku kacay khiyaano qaran, tani waxay isa seejisay waalid iyo caruur badan, waxayna dad badan ku qasabtay ku noolaanshaha goobo ka fog ehelkooda ama in aanay xasillooni ku dareemin go’aankooda shaqo.

    Laakiin caksigeeda qof walba oo Hargeysa xil kasoo qabtay ama haddaba ka haya xilliga uu doono ayuu Muqdisho tegi karaa, haddii uu doonana xil ka qaban karaa.

    Dhowrkii cisho ee ugu dambeysay waxaa magaalada Hargeysa loo qaaday meydka Allaha u naxariistee Cabdinaasir Dahable oo la sheegay in Muqdisho lagu dilay iyo Xildhibaan hore Axmed Aadan.

    Cabdinaasir waxa uu ahaa shaqaale sare oo ka tirsan hay’adda duulista rayidka ee Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya weli faah-faahin badan kama bixin geerida labada marxuum, waxayna sheegeen inay baaris u socoto, waxaase caksigeeda geerida weji siyaasadeed u yeelay maamulka Somaliland.

    Eedda taliska Muuse Biixi waxaa dheeri ku aheyd inay dalbadeen in meydadka Hargeysa loo qaado, balse intii ay labadaasi marxuum noolaayeen maamulka Somaliland uma ogoleyn inay deegaanka tagaan.

    Hoggaamiye Biixi ayaa ka qeyb-galay labada aas, wuxuuna u muujiyay inay ahaayeen geesiyaal u dhintay Somaliland oo waddaniyiin ahaa, laakiin hoggaamiyahan waxaa hortaalla dhowr su’aallood oo waaqica la socota.

    Midda koowaad waxay tahay dadka maalintooda ayay dhimanayaan, waxaase kala duwan goobaha iyo sababaha. Balse geerida ka hor maxay maamulka Somaliland ka mudan yihiin dadka reer Waqooyiga ah ee shaqada iyo xilalka ka haya dowladda dhexe ee Soomaaliya.

    Midda labaad waa sidee qofku intuu nool yahay loogu aqoonsan karaa “khaa’inu waddani” maalinka uu dhintana u noqon karaa “waddani halyeey ah” sow taasi kama soo horjeedo damiirka caadiga ah.

    Midda saddexaad waxay tahay intii hore waaba dhacday ee dadka maanta nool ee reer Waqooyiga ah ee xilalka iyo shaqada ka haya dowladda Soomaaliya ma la siin karaa aqoonsi waddaniyadeed ama xitaa xoriyad ay qoysaskooda ku booqan karaan mise marka ay dhintaan ayaa loo soo celin doona xuquuqdooda muwaadinimo.

    Labadii geeri ee dhawaan dhacday inkasta oo ay baaristooda socoto, haddana cashir ayaa ugu sugan maamulka Somaliland, kaas oo ah in wax laga beddelo habka loola macaamilo dadka gobollada Waqooyi kasoo jeeda ee shaqada iyo xilalka ka haya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inta ay nool yihiin.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

    July 28, 2025

    MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

    July 28, 2025

    Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

    July 28, 2025
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

    July 28, 2025

    MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

    July 28, 2025

    Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

    July 28, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.