Raβiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Alper AktaΕ oo ay ka wada hadleen xoojintaΒ xiriirka walaaltinimo iyo Iskaashi ee ka dhaxeeya labada dalka.
Raβiisul Wasaaraha oo Danjiraha cusub ugu hambalyeeyey masuuliyadda loo igmaday, ayaa sheegay in Turkigu uu yahay walaal dhab ah oo ay leedahay Soomaaliya, kaas oo xilliyo adag soo garab taagnaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, kana taageera dhinacyo badan oo kaabaya horumarinta dowlad-dhiska Soomaaliya.
Dhankiisa, Danjire Alper AktaΕ ayaa tilmaamay in uu sii xoojin doono xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dalka, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed soo dhaweyntooda.

