Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta kormeeray diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo ka socda xarunta Ciidanka Cirka ee Afisyoone.
Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Labaad, ayaa warbixinno ka dhageystay howl wadeennada hormuudka ka ah diyaarinta qorshaha isbeddelka qaranka.
Sidoo kale, Ku Xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdirisaaq Cali Ibraahim, ayaa warbixin ku saabsan habsami usocodka diyaarinta qorshaha isbaddalka Qaranka NTP siiyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee XFS.
Dhanka kale, Mr Dhaay ayaa bogaadiyey hawlwadeennada, isaga oo hoosta ka xarriiqay in qorshahaan uu wax weyn ku soo kordhin doono Soomaaliya, waxaana ganacsatada uu ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan oo ay qeyb ka noqdaan diyaarinta qorshaha.
Kormeerka Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Labaad ee XFS, ayaa imaanaya xilli ay laga shaqeynaayo dardar gelinta diyaarinta qorshaha isbeddelka qaranka.