Itoobiya ayaa ka fiirsanaysa inay meesha ka saarto qorshe ay ku aqoonsanayso maamulka ka go’ay Somaliland, iyadoo cadaadis caalami ah lagu saarayo in la qaboojiyo xiisadda gobolka ee ka dhalatay hindisahan, sida ay sheegeen dad xog-ogaal u ah arrintan oo la hadlay wargeyska Bloomberg ee ka soo baxa dalka Mareykanka.
Itoobiya oo aan bad lahayn ayaa heshiis hordhac ah la gashay Somaliland bishii January, heshiiskaas oo ka dhigaya iney noqoto dalkii ugu horreeyay ee aqoonsanaya madax-bannaanida Somaliland, taas beddelkeedana muddo 50 sannadood ah laga siiyo marin Gacanka Cadmeed. Heshiisku waxa uu buuq iyo sawaxan ka dhex dhaliyay dalalka dariska ah, iyadoo Soomaaliya ay sheegtay inay difaaci doonto madax banaanida dhulkeeda, Masar iyo dalalka kalena waxay ku booriyeen in laga digtoonaado.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo dhiggiisa Kenya, William Ruto, ayaa toddobaadkii hore wada-hadallo ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo looga hadlay xxisadan. Abiy ayaa muujiyay rabitaankiisa ah inuu ka laabto heshiiska qodobbada ugu badan ee muranka dhaliyay si loo soo celiyo xiriirka Soomaaliya.
Saraakiisha Itoobiya ayaa sheegay in laga yaabo in laga tanaasulo aqoonsiga Somaliland.
Ruto ayaa sidoo kale arrintan ka hadlay kulan uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo isna booqasho ku tagay dalka Kenya isla markaana uu ku sugnaa Abiy.
Ruto ayaa wareysi uu siiyay Bloomberg bishii Janaayo u sheegay in maamulkiisu uu isku dayayo inuu ka dhaadhiciyo Itoobiya inay tixgeliso xulashooyin kale oo ka baxsan dalabkeeda deked, inkastoo aysan caddayn waxa ay yihiin xulashooyinkaas.
Itoobiya wali si rasmi ah ugama laaban heshiiskii ay la gashay Somaliland, Abiy ayaa weli isha ku haya inuu gaaro hadafkiisa ah in uu si toos ah u galo xeebta badda gacanka cadmeed sida ay sheegeen la taliyeyaashiisa
Somaliland waxay ka go’day Soomaaliya 1991-kii ka dib markii uu qarxay dagaal sokeeye. Tan iyo markaas, waxa ay dabada ka riixaysay doonista aqoonsi caalami ah. Heshiiska lala galay Itoobiya.
Dalalka deriska ah iyo qaar ka mid ah deeq-bixiyeyaasha ugu waaweyn ee Itoobiya ayaa walaac ka muujiyay in heshiiska – oo ay Soomaaliya ku tilmaantay mid sharci-darro ah oo dhulkeeda lagu qabsanayo waxayna ka cabsi qabaan inuu colaad ka dhaliyo gobolla aan markii horeba xasilloonayn.