Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

    May 15, 2025

    DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

    May 15, 2025

    Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ee ay u harsan tahay 12 bilood

    May 15, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

      May 15, 2025

      DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

      May 15, 2025

      Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ee ay u harsan tahay 12 bilood

      May 15, 2025

      Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

      May 14, 2025

      Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

      May 14, 2025

      Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

      May 14, 2025

      Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan kula yeeshayRiyaad ee Sucuudiga Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac.

      May 14, 2025

      DEG DEG Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa kala saxiixday iskaashi dhaqaale oo istiraatiiji ah

      May 13, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

      May 15, 2025

      DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

      May 15, 2025

      Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ee ay u harsan tahay 12 bilood

      May 15, 2025

      Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

      May 14, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Ruto oo Maraykanka ka sheegay in Soomaaliya halis ugu jirto ‘in al Shabaab ay qabsasadaan’

    Ruto oo Maraykanka ka sheegay in Soomaaliya halis ugu jirto ‘in al Shabaab ay qabsasadaan’

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMay 28, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay “in kooxda Al-Shabaab ay qabsan doonto Soomaaliya, haddii ciidammada ATMIS ay ka baxaan‘

    Xilli uu ka hadlayay intii lagu gudo jiray booqashadii uu ku tagay dalka Mareykanka ayaa hogaamiyaha Kenya waxa uu ku baaqay in Washington ay u istaagto sidii looga hortagi lahaa “Dhictaanka xaalad la mid ah tii Afgaanistaan ka dhacday“ taas oo horseedi karta in dagaallo hor leh ay halakeeyaan Geeska Afrika.

    “Maanta, Kenya waxay ka shaqaynaysaa ka hortagga caqabadaha amni ee Geeska Afrika. Kahor inta aanan halkan iman sabtidii, waxaan xidhiidh la sameeyay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana heysata caqabad dhanka ammaanka ah, sababtoo ah dhimista ATMIS-ka waa mid ku saleysan keliya jadwalka bixitaabnkooda, ee aan ku saleysneyn shuruudihii [loo baahnaa],” ayuu ku sheegay khubadda uu jeediyey Madaxweyne Ruto.

    Waxaana Ruto hadalkiisa sii raaciyey codsi ku aaddan Maraykanka oo ah in ay ka hortagaan “bixitaankaas“.

    “Mawqifkayagu waa in Maraykanku soo farageliyo oo uu beddelo jihada ay wax u socodaan, haddii kale marka aan la baxno ciidamada ATMIS, argagixisaduna way la wareegi doontaa Soomaaliya. Uma maleynayo inay taasi qofna dani ugu jirto.” Ayuu yidhi Ruto.

    Dhanka kale Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimahada Dibadda ee Soomaliya Cali Cumar Balcad, ayaa isna hadalka Ruto ka falceliyey, farriin uu ku barta loo yaqaan X ee hore loo odhan jirey Twitter.

    Cali ayaa ku dooday in xaaladuhu isku mid ahayn ta Soomaaliyana aaanay la mid ahayn tii Afghanistan.

    “Dhaqdhaqaaqa Soomaaliya aad ayuu uga duwan yahay kuwa Afgaanistaan. Bixitaanka ciidamada shisheeye ma horseedi doonto xaalad la mid ah taas oo kale. Awoodda aynu saarno dariiqa gaarka ah ee Soomaaliya u marayso xasilloonideeda.“ Ayuu baahiyey Wasiir Cali Balcad.

    Halka dhanka kale Xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya uu isagu qabo aragti ka duwan ta Wasiir Balcad, isaga oo ku dooday in madaxweyne Ruto “uu saxan yahay“.

    “Soomaaliya waa ka suuragal in geeska ay geliso wax la mid wixii ka dhacay Aghanistan“ ayuu ku qoray bartiisa X.

    Hadalka kenya ayaa ku soo beegmaya xilli ay heshiisyo amni iyo dhaqaale kala saxiixdeen Maraykanka iyo Kenya.

    Xilli sida oo kalena uu Maraykankuku tilmaamay Kenya“jaalkooda aan Nato ahayn“

    .

    XIGASHADA SAWIRKA,ATMIS

    Falanqeeyayaasha ayaa qaba in ka bixitaankaasi uu “khatar” ku yahay amniga guud ee dalka, marka loo eego diyaarsanaanta ciidanka Soomaaliya iyo awoodda dhinaca ay is hayaan.

    “Aniga fahamkayga ka bixitaanka ATMIS khatar weyn ayuu ku yahay Soomaaliya, Soomaaliya dagaal xooggan ayay la gashay Alshabab oo dhul badan bay ka qabsatay dhawaanahan, dhulkaas sii hayntiisu aad bay adkaanaysaa” ayuu BBC-da u sheegay Cabdisalaan Guuleed oo hore ku xigeen uga soo noqday Nabadsugidda Soomaaliya haddana ah falanqeeye dhanka amniga ah.

    Bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ayaa weli ah goobaha ay sida gaarka uga taagan yihiin ququlatooyinka halista ku ah amniga, sida laga soo xigtay keydaha xogta colaadaha ee Acled, kaas oo bishii hore diiwaangeliyay in ka badan 200 oo dhacdo oo xag-jirnimo ah, iyada oo ugu yaraan 539 dhimasho ah la soo weriyey intii u dhaxeysay March 23 iyo Abriil 19.

    Halka bilihii la soo dhaafay ay kooxaha isha ku haya ammaanka diiwaan galiyeen dhacdooyin la xidhiidha in kooxda Al Shabab ay dagaallo dhaawac iyo dhimashaaba geystay ay ku qaadeen deegaammada Galmudug iyo Hirshabeelle, halkaas oo kooxdaasi muddooyinkii u danbeeyey la soo werinayey in ay dib qabsadeen dhul ballaadhan.

    Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub – oo kaalin weyn ku leh dib u dhiska waaxda amniga dalka – ayaa si joogto ah uga digay ka bixitaanka iyo yaraynta ciidammadaan, iyaga oo qaba I aan weli ciidanka Soomaaliya gaadhin awooddii ay kula wareegi lahaayeen amniga dalka.

    “Waddammada Soomaaliya ugu dhaw sida Kenya iyo Uganda oo ciidammo ka joogaan, walaaca ay muujiyeen waa walaac jira, 17 sano oo askar badan uga dhimatay Soomaaliya, markaa maanta in Soomaaliya dib loo qabsado waa walaac jira, madaxda Soomaaliya ayayna hawshaasi u taallaa” ayuu qabaa Cabdisalaan Guuleed

    Waayaha ATMIS iyo Soomaaliya

    Ku dhawaad 17-kii sano ee ay ATMIS oo horay loo oran jiray AMISOM ay joogtay Soomaaliya waxa ay dowladda Soomaaliya ka taageertay sugidda amniga goobaha muhiimka ah ee caasimadda, sida garoonka diyaaradaha, dekadda iyo xafiisyada madaxda sare. Waxa kale oo ay Al-Shabaab ka saartay magaalooyin muhiim ah.

    Hase yeeshee waxaa lagu dhaliilay in aysan wax badan ka qaban wiiqidda awoodda Al-Shabaab oo weli khatar xooggan ku ah caasimadda iyo qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya.

    Laakiin ciidamada Midowga Afrika kaalin weyn kuma leh duulaanka ka dhanka ah Al-Shabaab ee hadda socda oo loo arko kii ugu xooganaa ee jabka ugu weyn kasoo gaadhay kooxda tobankii sanno ee u dambeeyay, sida uu BBC u sheegay Faarax Ow Cusmaan, oo ah khabiir arrimaha amniga.

    Wuxuu Faarax ku tilmaamay codsiga dowladda mid gar ah oo xaqiiqada la xiriira, isaga oo tilmaamay in dib u dhiga bixitaanka ciidamada ATMIS ee mudada kooban u harsan tahay uu wax ka tari karo in ciidamada dowladda horey usii wadaan, una gacan banaanaadaan duulaanka ka dhanka Al-Shabaab.

    Codsiga dowladda ayaa loo badinayaa in uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu aqbli doono si ciidamada dowladda aysan ugu dhicin culeyska ka imaan kara inay la wareegaan masuuliyadda goobaha ay ciidamada Afrika hadda gacanta ku hayaan.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

    May 15, 2025

    DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

    May 15, 2025

    Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ee ay u harsan tahay 12 bilood

    May 15, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

    May 15, 2025

    DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

    May 15, 2025

    Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ee ay u harsan tahay 12 bilood

    May 15, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.