Close Menu
    What's Hot

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

      January 23, 2026

      MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

      January 21, 2026

      Daawo:-Sheekh Cabdi Casiis ” Culimada iyo Odayaasha Baladweyne Dadka Hortooda ayaa lagu laaynayaa” Xalka Magaalada oo Cabsi Cabsi ah!

      April 11, 2024

      Daawo: XASAN Sheekh oo gaaray KENYA + Ujeedka

      April 11, 2024

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      Xog ka cusub hoggaamiye mucaaradka ITOOBIYA ka tirsanaa ee meydkiisa la helay

      April 11, 2024

      Hogaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa sheegay in wiilal looga dilay duqeyn cirka ah

      April 11, 2024

      Ayatollah Khamenei oo ku hanjabay in Iran ay ciqaabi doonto Israel kana hadlay Sababta

      April 10, 2024

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Wax ka ogow dekadda dalka deriska la ah Soomaaliya ee ay ITOOBIYA u weecatay

      April 2, 2024

      Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

      January 23, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

      January 21, 2026

      Daawo:-Sheekh Cabdi Casiis ” Culimada iyo Odayaasha Baladweyne Dadka Hortooda ayaa lagu laaynayaa” Xalka Magaalada oo Cabsi Cabsi ah!

      April 11, 2024
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Ramadan 2024: Wax ka ogow xubnaha muhiimka ah ee jirkaaga oo soonku faa’iido gaar ah u leeyahay

    Ramadan 2024: Wax ka ogow xubnaha muhiimka ah ee jirkaaga oo soonku faa’iido gaar ah u leeyahay

    By radiohalgan.comMarch 9, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Wax yar ayaa ka dhiman bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan taas oo ka mida bilaha ugu xurmada badan Islaamka, af xirka bishaasna ay tahay cibaado in ka badan labo bilyan oo musliim caalamka ku nool ay gutaan.

    Afurka iyo saxuurtu waa labo ka mida xiliyada ugu cunista iyo cabida badan laakiin waxaa muhiim ah inaad ogaato sida cunooyinkaas ay nafaqo ahaan iyo caafimaad ahaan ugu wanaagsan yihiin jirkaaga.

    Kerry Torrens, waa khabiir nafaqada ah wuxuu sheegay in faa’iidooyinka iyo dibu dhacyada ay keeni karaan helida cuno nafaqaysan. Sidaas oo kale daraasado ayaa xusaya in soonku sababo in caafimaadkagu kor u kaco.

    Inkasto oo Soonku leeyahay faa’iido ka weyn midda muuqata haddana waxaan dul istagaynaa waxyaabaha si gaara uu ugu leeyahay faa’iidoonka gaarka ee ka muuqan kara jirkaaga.

    1. Dheefshiidka iyo hoormoonnada

    Marka aanad wax cunin in muddo ah, jirkaagu waxa uu la qabsanayaa isbeddelka heerarka hoormoonka si uu baruurta jidhka ku kaydsan uga dhigo mid la heli karo oo loo bilaabo hababka hagaajinta.

    Waxa kale oo jira isbeddel ku yimaadda muujinta hidde-sidaha kaas oo kordhiya awoodda murqahaagu si ay u isticmaalaan dufanka.

    2. Dhimista miisaanka

    Ramadan

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Daraasado lagu sameeyay barnaamijyada soonka ee joogtada ah si loo go’aamiyo haddii ay waxtar u leeyihiin hagaajinta habka jidhka iyo calaamadaha caafimaadka kiliinikada ee la xidhiidha cudurka.

    Cilmi baarisyadu waxay muujiyaan in dhamaantood cafimaad u yihiin habdhiska jirka iyo dhimista miisaanka qofka.

    Waxaa tilmaamaha caafimaadku muujiyaan in Soonka uu jirka u leeyahay waxtar dhimista miisaanka kaas oo hoos u dhaco 3% ilaa 7% dufanka jidhka halka wadarta a kolestaroolka ay ka dhigto 10% ilaa -21%, iyo triglycerides (≈14%-42%) ee dadka miisaanka caadiga ah.

    Tani waa faa’iido caafimaad oo jir ahaan muuqata marka qofku soomo bisha Ramadaan sida culimada caafimaadku sheegayaan.

    3. Maaraynta sonkorta dhiigga

    Dhiigga

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Daraasado dhowr ah ayaa taageeraya soonka si ay u wanaajiso xakameynta sonkorta dhiigga oo ay suurtagal tahay in ay yareyso khatarta cudurka macaanka, in kasta oo jinsiga laga yaabo in uu qayb ka qaato waxaana loo baahan yahay daraasado badan.

    Kuwa qaba nooca 2-aad ee sonkorowga, faa’iidooyinka soonka ee joogtada ah waxaa ka mid ah hoos u dhaca gulukooska soonka iyo insulinta soonka, yaraynta caabbinta insulin iyo hoos u dhaca heerarka hoormoonka rabitaanka cuntada, leptin.

    4. Mindhicirka

    Ramadan

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Mindhicirku waa mid ka mida xubnaha uur ku jirtaa ee qofka hayana shaqo muhim u ah caafimaadka iyo nolosha intaba.

    Daraasaduhu waxay soo jeedinayaan faa’iido kale oo soonku leeyahay, waana saameynta wanaagsan ee uu ku leeyahay kala duwanaanta iyo tirada bakteeriyada faa’iidada leh ee ku jirta mindhicirka.

    Tani waxay u muuqataa inay saameyn faa’iido leh ku leedahay isbeddelka miisaanka, cabbirka dhexda iyo dheef-shiid kiimikaadka.

    5. Wadnaha

    Ramadan

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Daraasaduhu waxay soo jeedinayaan in soonka joogtada ahi uu yarayn karo qaar ka mid ah arrimaha halista u ah cudurrada wadnaha – oo ay ku jiraan cadaadiska dhiigga, kolestaroolka iyo calaamadaha caabuqa.

    Cilmi baarisyada qaarkood ayaa soo jeediyey in soonka joogtada ah uu si weyn faa’iido ugu leeyahay cudurada haleela wadnaha kuwaas oo intooda badan xakamayn xadidnayn uu soonko sababo

    Waxaase wali sii socda daraasadaha intaas ka badan lagu eegayo.

    6. ka hortagga cudurrada

    Ramadan

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Fududeynta qaabka cunnadaada caadiga ah waxay u muuqataa inay jidhkaaga siinayso wakhti uu diirada saaro hawlaha kale ee muhiimka ah, oo ay ku jiraan ka hortagga cudurrada.

    Sababtu waxa weeye, marka aynu soomanno, jirku waxa uu bilaabaa hab loo yaqaan autophagy, tani waxay la mid tahay ‘guri-haynta’ jirka, marka walxaha wasakhda ah ee unugyada laga saaro.

    Autophagy waxaa loo maleynayaa inay wanaajiso awoodda jidhka ee lagu maareeyo caabuqa dabadheeraad ah iyo, sidaas oo kale, hoos u dhigida khatarta xaaladaha sida cudurrada wadnaha, sclerosis badan iyo rheumatoid arthritis.

    7. Yaraynta Walwalka

    Ramadan

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Daraasadaha bini’aadamka ayaa sheegay in soonku uu yarayn karo calaamadaha welwelka iyo niyad-jabka iyo hagaajinta xiriirka bulshada.

    Daraasado badan ayaa loo baahan yahay si loo qiimeeyo saameyntan laakiin natiijooyinka ilaa maanta waa dhiirigelin.

    Culimada diinta ayaa inta badan is waafajiya sida soonku caafimaad ahaan iyo cibaado ahaanba ugu wanaagsan yahay qofka sooma bishan Ramadaan.

    Sida la wada sugayo waxaa inyar ka dhiman yihiin bilaabashada bisha barakaysan taas oo ah mid si weyn looga sugayo caalamka Islaamka.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026

    MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

    January 21, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.