Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa kulamo siyaasadeed oo kala duwan ka bilaabay Muqdisho.
Xildhibaano Mucaarad ah oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Jubaland ayaa RW Cumar ugu tagay booqasho daaraneyd isxogwareysi iyo kala war qaadasho.
RW ayaa sheegay in muhiim ay tahay xiligan in loo wada guntado badbaadinta Soomaaliya maadama uu dalku ku jiro xaalad siyaasadeed oo cakiran.