Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii hayaha safaaradda Suudaan ee Soomaaliya, Kamal Fathurahman.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, iyagoo isla gartay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wadashaqeynta.
Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga xun yihiin xaaladda ka taagan Suudaan, wuxuuna xaqiijiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay garab taagan tahay walaalahooda Suudaan, iyagoo diyaar u ah inay ka qeyb qaataan dadaallada nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta ee dalkaas”.
Sidoo kale, sii hayaha safiirka Suudaan ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay labada dal wadaagaan dhinacyo badan oo dhaqanka iyo arrimaha bulshada, isla markaasna ay sii xoojin doonaan xiriirka iyo iskaashiga.