Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo booqasho ku jooga magaalada Laascaanood ayaa halkaasi ka wada kulamo looga hadlayo horrumarinta deegaannada maamulka SSC Khaatumo.
Ra’iisul wasaare Xamse ayaa dhagax dhigi doono mashaariic lagu horrumarinayo deegaannada maamulka SSC Khaatumo, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.
Howlaha uu qaban doono Ra’iisul wasaaraha maanta qabanayo ayaa waxaa kamid ah, Dhagax dhiga Madaxtooyadda SSC Khaatumo, Xarruunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Xarrig jarka xarruunta NIRA.
Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa sacaadihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay Odoyaasha Dhaqanka ee deegaannada SSC Khaatumo, isaga oo kala hadlay ilaalinta xasilloonida magaalada
Safarka Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu tilmaamay midkii midnimada iyo horrumarinta dalka.