Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaarey magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbaland.
Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa u sii gudbi doona deegaanka Buula Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose oo dhowaan ay Al-shabaab weerar ku soo qaadeen saldhigyada ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland.
Mas’uuliyiin heer Federaal & Heer Dowlad-Goboleed isugu jirta ayaa lagu wadaa in ay qayb ka noqdaan socdaalka Ra’iisul Wasaaraha si ay ula kulmaan ciidamada iyo saraakiisha dagaalka la galay ‘AS’.
Ra’iisul wasaaraha ayaa kulamo la yeelan doona saraakiisha iyo Ciidamada Federaalka ee Danab iyo Kuwa Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland.
Safarka ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo aadaya xilli ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ay Al-shabaab kala wareegeen deegaanno badan oo ku yaalla inta u dhaxeysa magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.