Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo soo xiray shirka culimada Soomaaliyeed oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod, isaga oo tilmaamay in taasi isbadal u horseedi karto.
Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dowladda aysan hortaagneyn doorashooyinka qaar kamid ah dowlad goboleedyada.
“Annaga sidaan kuma sii jiri karno, dad kooban dowladda oo dhan sharciyadeeda kuma dhisnaan karto, haddii aan dhahnay aan doorashada milyaayiin gaarsiino, waxaad arkeysaan waxaa qeylo yeereyso, Doorashada dowlad goboleedyada maa la qabto?, Annaga Dowlad goboleedyada a uma diidanin in ay doorasho ka dhacdo, waxaan rabnaa in dadka doortaan, xitaa laba magaalo haka dhacdo doorashada” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamse.
Hadalka ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo aadaya xilli qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay dowladda ku eedeeyen in ay ka caga jiideyso qabashada doorashooyinka qaar kamid ah Madaxda dowlad goboleedyada oo muddo xileedkooda dhammeystay.