Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka 7-aad ee Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka.
Shirkaan ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadaha lagu taageerayo kobaca dhaqaale ee dalka, isaga oo ku boorriyay in la xoojiyo iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo abuuro shaqo iyo maalgashi waara.
Sidoo kale, Shirkaan ayaa fursad siinayaa hoggaamiyaasha dhaqaalaha iyo ganacsatada, si ay uga wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah, iyadoo lagu dardargelinayo maalgashi iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.
”Hormarinta karaanka Bulshada waa udub dhexaad in aan xoogga saarnaa, siiba dhallinyarada Soomaaliyeed xagga waxbarshada iyo caafimaadka si ay noogu soo baxaan dad dalkaan awood u leh in ay dhisaan oo ay huramariyaan”. ayuu yiri: Ra’iisul Wasaare Xamsa
Shirkaan ayaa socon doona labo maalmood, isaga oo diiradda lagu saari doonno horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.