Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac & Wasiiro katirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa barqonimadii maanta gaaray Magaalada Jowhar Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe oo dhanka kale ah Caasimadda Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.
Wafdi Saalax Axmed Jaamac waxaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe waxaana loo gelbiyay aqalka madaxtooyada halkaas oo kulamo gaargaar ah kuwada qaadan doonnaan.
Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Madaxtooyada Dowlad-Goboleedka ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare ku ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac & wafdigiisa lagu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Maxamed Dheere Magaalada Jowhar.
“Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaraddaha ee Maxamed Dheere Ku-simaha Ra’iisulwasaaraha ahna Ra’iisulwasaare ku-xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayay” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyada DG Hir-Shabeelle.
La soco wixii kasoo kordha