Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jamaac, ayaa maanta kormeer ku tagay Wasaaradda Gaashandhigga; isaga uu halkaasi ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaasaahndhigga Cabdiqaadir Maxamed Nur iyo saraakiisha sare ee wasaaradda.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta Wasaaradda, iyaga oo ka warbixiyay halka uu marayo tababarka, qalabeynta ciidamada, iyo caqabadaha ku hor gudban dadaallada lagu xoojinayo amniga qaranka.
“Wasaaradda Gaashaandhiggu waa tiir muhiim ah oo lagu dhisayo mustaqbalka Soomaaliya oo nabad iyo horumar leh. Ciidamada qalabka sida waa halyeeyo u taagan difaaca sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.” ayuu yiri Salax Jaamac.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa ku bogaadiya howlaha ay hayso wasaaradda Gaashaandhigga, isaga oo sheegay in ay muhiim tahay in la dardar geliyo dagaalka ka dhanka Al-shabaab.