Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa dil toogasho ah ku fulisay Nuur Cabdi Maxamed, Shuceyb Maxamed Faarax , iyo Bile Cabdullahi Xasan, kuwaas oo hore u dilay Dr Axmed Xasan Cusmaan iyo Macallin Liibaan Xasan Cusmaan oo ahaa walaalo.
Saddexdaan xubnood ayaa Demcember 9, 2023-ka waxa ay Dr Axmad Xasan Cismaan iyo Macallin Liibaan Xasan Cismaan oo ahaa labo walaalo ah waxa ay aano qabiil ugu dileen duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee dowlad gobaleedka Galmudug.
Dilka labadaan marxuum oo walaala ah ayaa hadal hayn waxa ay ka dhalisay baraha Bulshada, iyada oo qaar ka mid ah Xildhibaannada ay deegaan doorashoodu tahay Galmudug ayaa si adag uga hadlay dilka loo geystay.
Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo howgallo ka sameeyey deegaannada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa markii dambe u suuragashay in ay gacanta ku soo dhigaan raggaan kuwaas oo xilligaas baxsad ahaa.
Maxkamadda gobolka Galgaduud ee dowlad gobaleedka Galmudug oo fadhiyo ka yeelatay dhageysiga kiiskaan ayaa ugu dambeyn xukun dil ah ku xukuntay saddexdaan ruux kuwaas oo maxkamaddu sheegtay in ay dil wadareed u geystay Macallin Dugsi Qur’aan iyo Walaalkiis oo ahaa dhaqtar.