Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

    May 13, 2025

    Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

    May 13, 2025

    Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

    May 13, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

      May 13, 2025

      Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

      May 13, 2025

      Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

      May 13, 2025

      DEG DEG Guddiga Doorashooyinka Somaliya Oo Shaaciyay in Khuburo Reer Somaliland ah ka Caawinayaan

      May 13, 2025

      DEG DEG Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa kala saxiixday iskaashi dhaqaale oo istiraatiiji ah

      May 13, 2025

      Dood ka taagan diyaarad weyn oo hadiyad ahaan loo siinayo Trump

      May 13, 2025

      DEG DEG Dowladda Turkiga ayaa sii daysay barnaamij gaara oo lagu caawinayo

      May 10, 2025

      Akhriso:- Madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqda inuu ka welwelsan yahay in Israel ay carqaladeyn karto safarkiisa Bariga Dhexe, taasoo abuurtay xiisado cusub.

      May 10, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

      May 13, 2025

      Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

      May 13, 2025

      Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

      May 13, 2025

      DEG DEG Guddiga Doorashooyinka Somaliya Oo Shaaciyay in Khuburo Reer Somaliland ah ka Caawinayaan

      May 13, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Qoyska saddexdii haween ee Nairobi lagu dilay oo BBC la hadlay kadib soo xiridda qofkii lagu tuhmay dilkooda

    Qoyska saddexdii haween ee Nairobi lagu dilay oo BBC la hadlay kadib soo xiridda qofkii lagu tuhmay dilkooda

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comNovember 4, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Nin lagu magacaabo Hashim Dagane Maxamed oo ah eedeysanaha ugu weyn ee lagu tuhunsan yahay dilka saddex haween ah oo dhawaan ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa gacanta lagu dhigay.

    Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay ayaa saddexda haween ah oo hal qoys ka soo wada jeeda lagu dilay Nairobi.

    Hay’adda dambi-baarista Kenya DCI ayaa soo qabatay eedeysanaha kaddib baaritaanno ay sameeyeen isagoo ku dhuumanayay goob ku taal Kamukunji Nairobi.

    Eedeysanaha waxaa hadda su’aalo lagu weydiinaya xarunta DCI, waxaana la filayaa in maxkamadda la soo taago maanta oo Isniin ah.

    Eliud Lang’at oo ah ku xigeenka hoggaanka booliska Kenya oo warbixinta soo saaray ayaa sheegay in howshan ay aheyd in degdeg loo soo farageliyo ka hor inta aysan noqon mid aan suuragal aheyn wax ka qabadkeeda.

    “Isbeddelkan murugada leh wuxuu muujinaya baahida degdegga ah ee loo qabo ficilada diiradda lagu saarayo iyo iskaashiga si wax looga qabto dhibaatada baahsan ee xadgudubka ku saleysan jinsiga ee ka dhexjira bulshadeena”

    Saddaxda haween ee la dilay ayaa ahaa hal qoys. Dahabo Daa’uud Siciid, Aamina Cabdirashiid iyo Muuseiba Cabdi Maxamuud oo 12 jir aheyd. Mid ka mid ah haweenka oo aheyd hooyada qoyska ayaa maydkeeda laga helay magaalada Machakos oo caasimadda Nairobi u jirta 61 kilo mitir, sida ay sheegeen qoyskeeda.

    Maamada la dilay ayaa la sheegay in ay aadday isbitaal. Gurigeeda ayaa waxay ka baxday labo saac oo habeennimo kaddib dib dambe uma aysan soo hadlin, meel ay jirto ayaa la wayay ayey sheegeen qoyskeeda.

    Kenya

    Maxay qoysku ka dheheen soo xiridda eedeysanaha?

    Booliiska ayaa intii ay wadeen baarista la xiriiray qoyska una sheegay halka ay wax marayaan iyo in maanta oo Isniin ah maxkamdda la keenayo.

    “Markii gacanta lagu dhigay waa nalala soo xiriiray, qeybta dambi-baarista ayaa la geeyay, wey noo diideen in aan aragno, iyaga ayaa maxkamadda ballamiyay, saakay ayaa maxkamada geeyay”

    Qoyska dhibanayaasha waxay noo sheegeen in uu horjoogo cadaaladda ninka ay ku tuhmayaan dilka qoyskooda, ayna rajeynayaa in ay helaan cadaalad.

    Cabdi Maxamed oo loo yaqaan Bashiir waa aabbaha qoyska waxa uu BBC-da u sheegay in ay doonayaan caddaalad.

    “Aad ayaan u faraxay, Alle ayaa mahad leh, awal hore waxaan raadineynay sidii lagu heli lahaa taas ayaa murugo nagu haysay, hadii la soo helay, aad baan ugu faraxnay, iyad ayaan ugu dambeyneynaa wixii dhiman”

    Sidoo kale Cabdi Maxamed wuxuu noo sheegay in saakay ay tageen maxkamadda, ayna goobooj u ahaayeen sida wax u bilowdeen. Wuxuu kaloo sheegay in ay rajeynayaan in ay helaan cadaalad

    “Caddaalad ayaa rajeynayaa, curadeydi ayuu dilay, xaaskeygi ayuu dilay iyo gabadhii aan adeerka u ahaa”

    Xariga eedeysanaha ayaa yimid kaddib markii waaxda dambi-baaristsa ay soo saareen codsi ay dadweynaha kaga dalbanayaan in lala wadaago xogta halka uu joogo ninka la tuhunsan yahay.

    Muuqaallo ay duubtay caamerada ayaa lagu arkay gaariga Maxamed oo ka qaadaya gabdhaha xaafadda Islii waxyar ka hor inta aan meydkooda laga helin meelo kala duwan.

    Gaariga lagu qaaday haweenka ayaa markii dambe laga helay isagoo yaalla meel cidlo ah oo ku taalla suuqa Wakulima oo u dhow masraxa macallinka ENA. Gaariga ayaa loo jiiday Xarunta DCI-da halkaas oo baaris dheeri lagu sameeyay.

    Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa ka dalbaday madaxweynaha Kenya William Ruto in dilka haweenka yahay musiibo qaran, uuna dedejiyo go’aan ka gaarista dhammaan kiisaska la xiriira geerida iyo weerarka loo geysto haweenka.

    Madaxweyne William Ruto iyo madaxa cadaaladda Martha Koome ayaa ku baaqay in tallaabooyin degdega ah ay qaadaan ciidamada ammaanka.

    Madaxa booliskam, Douglas Kanja Kirocho, ayaa u xaqiijiyay dadweynaha in booliska ka go’an tahay ilaalinta amniga iyo cadaaladda dhammaan shacabka.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

    May 13, 2025

    Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

    May 13, 2025

    Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

    May 13, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

    May 13, 2025

    Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

    May 13, 2025

    Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

    May 13, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.