Close Menu
    What's Hot

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Qoyska gabadh ninkeedii gubay oo ka cabanaya cadaalad daro iyo ninkii oo aan gacan lagu hayn

    Qoyska gabadh ninkeedii gubay oo ka cabanaya cadaalad daro iyo ninkii oo aan gacan lagu hayn

    By radiohalgan.comMarch 23, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Nin xaaskiisa ku gubay aashato laba bilood ka hor degmada Kombolcha ee Bariga Gobolka itoobiya ee Harar ayaan illaa hadda wax tilaabo ah laga qaadin sida ay BBC-da u sheegeen qoyskeedu.

    Haweenayda oo lagu magacaabo, Ayyaantuu Musxafaa Taayyee, ayey dhibaatadu kusoo gaadhay guriga ninkeeda Carifee Cali Xuseen.

    Aabaha gabadha la gubay, Musxafaa Taayyee ayaa sheegay in dambigu uu yahay mid culus balse dacwadda lagu soo oogay dambiilayaasha ay aad u liidato.

    β€œIn la toogto ayaa dhaanta in qofka aashato lagu shubo. Tani waa dambi culus. Marka loo eego fal-dembiyeedka, waxay ahayd in si adag loola xisaabtamo,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in feejignaantii ciidamada ammaanku ay ahayd mid daciif ah.

    “Waa shaqaale ka tirsan xafiiska gaadiidka, waxayna sidoo kale la shaqeeyaan booliiska sababtoo ah waa xafiis dowladeed. Midda labaad, dambigan foosha xun waxaa loo geystay qof dumar ah. waxaas oo dhan cidi dheg jalaq uma siin,” ayuu hadalkiisa raaciyay aabaha gabadha.

    Ayaantuu

    XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL

    Musxafaan ayaa u sheegay booliiska dhammaan xogta ku saabsan dhacdada, β€œlaakin si fudud ayay u qaateen. Waxay u arkayeen dagaal qoys iyo oday,” ayuu yidhi.

    β€œMarkii hore, markii dambiga la galay, waxaan siiyay saldhigga dhammaan taleefannadii, sawirradii iyo macluumaadka ninkaas , dhegna jalaq looma siin.”

    Musxafaan ayaa sheegay in uu rajaynayo in boolisku ay meel walba ku faafiyaan sawirada ninkan oo ay soo qabtaan.

    Xafiiska arrimaha haweenka iyo dhallaanka oo loo aas aasay la dagaalanka tacadiyada ka dhanka ah haweenka ayaanan qaban shaqadii loo igmaday markii falkan foosha xun loo geystay haweeneydaasi.

    Xogat la xariirata dhacadadaan ayaa la sheegay in lagu faafiyay baraha bulshada.

    “Cidina waxba ma sameyn tan iyo markii dambiga la galay, hadda waxay bilaabeen in ay dhaqaaqaan tan iyo markii arrinta lagu faafiyay warbaahinta,” ayuu yiri Musxafaan.

    “Si kasta oo uu u baxsado qof geystay fal-dambiyeedka foosha xun ee bini’aadantinimada ka dhanka ah, waa in si gaar ah isha loogu hayaa xarigiisa”, ayuu yiri isagoo sheegay in aysan jirin cid aqoonsan in qofkaas uu baxsaday iyo xitaa jiritaankiisa.

    Qoyska ninkaan ayaa ku nool Kombolcha, mid ka mid ah walaaladii ayaa isna ku nool magaalada Adaama ee gobolka Oromada

    β€œWaxaan halkan ku leeyahay hooyo iyo walaalo. Hal walaal ayaa Cadaair jooga. Hooyadii way cabsootay gurigii ayayna iskaga tagtay, Booliisku ma baarin waxaas oo dhan,” odayga ayaa yiri.

    Ninka lagu eedeeyay in uu aashitada ku shubay xaaskiisa oo la dhaho Arifee Aliyyi Xuseen ayaa gaari bajaaj ku watay magaalada Kombolcha. “Waa nin garanaya qaybaha baabuurta, shaqadiisana waxay la xidhiidha baabuurta, markaa fursad fudud ayuu u helayaa aashitada” ayuu yiri odeygu.

    Musxafaan waxa uu sheegay in uu ka warqabay in aashitada loo isticmaalo in batariyada baabuurta loo isticmaalo in dib loogu nooleey markuu batarigu dhinto.

    β€œNinkan waxa uu u soo iibiyay aashito batteriga baska, mar hore ayuuna u sii diyaariyay” ayuu yidhi.

    .

    XIGASHADA SAWIRKA,.

    Isla markiiba goobta ayuu ka baxsaday balse ma jirin wax ciidamo ah oo isku dayay in ay qabtaan, ayuu yiri Musxafaan.

    Sida uu sheegay Mr. Musxafaan, mar ayaa walaalihiis [Ninkii xaaskiisa Aashitada ku shubay] ay boolisku qabteen oo ay xidhnaayeen saddex maalmood.

    Mr. Musxafaan ayaa sheegay in markii ay gabadhiisa dhaawacantay oo ay yara bogsatay dhawr maalmood oo la daweeyay uu gabadha geeyey saldhiga [degmada], wuxuuna sheegay in boolisku ay fahmeen wixii uu u sheegay.

    β€œWax walba ayay u sheegtay booliiska. Waxay magacawday qof ay tuhunsan tahay. Kadibna waxaan dib ugu celiyay cusbitaalka, wayna iska tuureen kiiskii” ayuu yiri aabuhu.

    Ayyaantuu Musxafaa, oo ahayd shaqaale hore oo xafiiska gaadiidka ah, ayaa lagu weeraray aashito sanadkaan waxaana hadda lagu daweynayaa Hiwot Fana Specialized Hospital ee Jaamacadda Haramaya.

    Shilkaas waxaa ku gubtay timaheeda, wejiga iyo qeybaha hoose ee jirkeeda. Waxa ay samaysay laba qalliin ilaa hadda, waxaana ay isku diyaarinaysaa mid saddexaad, ayuu yidhi Aabbaheed.

    β€œLaakiin isha bidix ayaa bixi doonta. Dhakhtarku wuxuu eegay indhaha wuxuuna noo sheegay in aan halkan lagu daweyn karin. Tan ugu muhiimsan, waxay ku jirtaa dhibaato nafsi ah oo daran.”

    Haweeneydan oo 25 jir ah ayaa labo caruur ah u haysata ayaa ninkeeda oo weeraray aashito. Carruurta oo da’doodu tahay laba iyo afar jir, ayaa hadda la jooga, ayuu yidhi Musxafaan.

    Markii uu ninkaasi Aashito ku shubay Marwo Ayaantuu ayuu ku taabtay Aashito mid ka yar labada Caruurta ah dhaawac ayaana soo gaaray, Musxafaan ayaa sheegay in canugaasi uu haatan ku bogsaday dadaalka iyo wadashaqeynta ay la sameeyeen bahda caafimaadka ee Isbitaalka Hiwot Fana.

    Mr. Musxafaan ayaa ka cawday ilaalin la’aanta booliiska balse wuxuu sheegay in xafiisyada dowladda iyo shacabka magaaladiisa ay garab taagan yihiin.

    “Gaar ahaan shaqaalaha Xafiiska Gaadiidka [ee ay gabadheeda ka shaqeyso] ayaa ahaa kuwii ugu horreeyay ee la xiriira markii uu shilku dhacay,” ayuu yidhi.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.