Close Menu
    What's Hot

    Taliye Cusub Oo Hoggaanka La Wareegay: Ciidanka Cirka Xoogga Dalka

    March 7, 2026

    DEG DEG: Iran oo adeegsaday hub cusub oo aad u khatar badan, gantaal Hypersonic ah oo lagu weeraray Tel Aviv

    March 7, 2026

    14 sano kadib, Soomaaliya ayaa maanta yeelatay dastuur dhameystiran,

    March 4, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Taliye Cusub Oo Hoggaanka La Wareegay: Ciidanka Cirka Xoogga Dalka

      March 7, 2026

      DEG DEG: Iran oo adeegsaday hub cusub oo aad u khatar badan, gantaal Hypersonic ah oo lagu weeraray Tel Aviv

      March 7, 2026

      14 sano kadib, Soomaaliya ayaa maanta yeelatay dastuur dhameystiran,

      March 4, 2026

      Maxaa ka jira in Booliska Soomaaliya lacag kaash ah ku qabteen Axmed Hurre?

      March 4, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Taliye Cusub Oo Hoggaanka La Wareegay: Ciidanka Cirka Xoogga Dalka

      March 7, 2026

      DEG DEG: Iran oo adeegsaday hub cusub oo aad u khatar badan, gantaal Hypersonic ah oo lagu weeraray Tel Aviv

      March 7, 2026

      14 sano kadib, Soomaaliya ayaa maanta yeelatay dastuur dhameystiran,

      March 4, 2026

      Maxaa ka jira in Booliska Soomaaliya lacag kaash ah ku qabteen Axmed Hurre?

      March 4, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Qoyska Abubakar oo maydkiisa lga helay banaanka Muqdisho oo ka waramay sida uu u dhacay afduubka wiilkooda

    Qoyska Abubakar oo maydkiisa lga helay banaanka Muqdisho oo ka waramay sida uu u dhacay afduubka wiilkooda

    By radiohalgan.comMarch 1, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Habeen arbaco ah, 22 kii bisha Febarury ayaa koox hubaysani waxay wadada ku joojiyeen Abubakar Axmed oo ah nin dallinyaro ah oo maalmo ka hor maydkiisa laga helay duleedka Muqdisho.

    Qiyaastii 11 kii fiidnimo ee xiliga Soomaaliya, ayaa waxaa wada ku taalla degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir waxaa istaajiyay ciidamo ku la bisan dharka booliska Soomaaliya, sida uu qoyska la wadaagay nin dhallinyaro ah oo la socday Abubakar.

    “Rag hubaysan oo dharka booliska wata oo jidka taagan ayaa waxa ay u istaajiyaan sida qolo amniga sugaysa oo kale,..labada dhinac ayaa laga kala istaagay, labadaba waa la dajiyay waxaan dareemeynaa bartilmaameedku inuu ahaa yarkaan walaalkeey ah oo dhiman doona,” ayuu BBC da u sheegay Maxamed Axmed oo ah walaalka ka wayn Abubakar.

    Abubakar ayaa ahaa sida uu noo sheegay walaalkiisa ganacsade ka shaqaysta lacagaha danabaysan iyo sarifka.

    Wuxuu intaa ku daray intaas isaga oo soo xiganaya ninkii dhallinyarada ahaa ee joogay goobta, in gaari uu watay Abubakar oo ahaa Toyota Surf iyo isagabii ay ka xaysteen ragii ciidanka ahaa.

    “Gaarigii sidaas ayay ku wateen, [iyo] wiilka dhiman doona ee walaalkeey ah oo jeebeysan oo indhaha ka xiran

    Booliska Soomaaliya waxay sheegeen in ay baaritaan wali ku wadaan dhacdadaan.

    Subaxii xigay habeenkii la afduubtay ayaa qoysku sheegeen in maydka Abubakar laga helay dulledka magaalada Muqdisho isaga iyo gaarigii uu watay intaba.

    “Meel walba ayaan ka raadinay”

    Maxamed wuxuu BBC da u sheegay habeenka la afduubtay walaalkiis uu isagu ku sugnaa magaalada nairobi ee dalka Kenya, balse maadaama ay shirko ku ahaayeen ganacsiga lacagaha isaga iyo walaalkii Abubakr, oo ay si aad u dhaw isaga war hayeen uu markiiba ka war helay dhacdada qabsatay walaalkii.

    “Waxaan isla markiiba ku dadaalay inana la xariiro dad asxaab ah oo aan ku lahaa laamaha amniga qaybahooda kala duwan…waa la baxay meeshii wax ka dhaceenaa la tagay, gacamada kala duwan ee ciidamada qalabkaa sidaa la galiyay…laakiin qadartoo qorneed awgeed iyo cidda wax fulisay oo ahyd cid abaabulan ayaa ilaahey wuxuu qadaray [inaan la qaban kooxdii afduubka gaysatay].

    Gaariga in laga furay taarikada ayuu raaciyay hadalkiisa Maxamed.

    Dhanka kale waxa uu BBC da u sheegay in lacago ku jiray akoonada uu maamulayay Maxamed qaarkood lala baxay. Ma uusan cadda sida loola baxay lacagahaas, balse qoysku waxay tuhmayaan in afduubayaashu ay ku qasbeen Abubakar in uu lacagta soo saaro.

    Waxa kale oo uu sheegay in akoonada qaar ee ay uu hayay lambarkooda sirta uu markiiba ka bixiyay lacagihii ku jiray.

    Sidee ku badbaaday wiilka la socday Abubakar?

    Sida ay sheegeen Qoyska oo soo xiganayay wiilka, waxaa isaga iyo Abubakarba laga amray in ay ka soo dagaan gaarigii ay wateen, ka dibna waxaa lagu amray in ay jilbaha dhulka dhigtaan indhaha ayaana laga xiray.

    Muddo kadib ayaa labadoodiiba la soo waday loona soo ka xeeyay gaarigii la saari lahaa, balse inta aan wiilkan yar la sari gaariga ayuu u sheegay ninkii hubaysnaa ee gacanta ku hayay ‘inuu baxo dib dambana gadaal u soo fiirin’.

    Sidaas ayuu ku helay fursad uu qoyska kula wadaago shilka ku dhacay Abubakar.

    Wiilkaan ayaa sidoo kale qaraabo la ahaa Abubakar.

    Somali Police

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Boolisku maxay yiraahdeen?

    Sid aay sheegeen booliska Soomaaliya ilaa iyo todoba qof ayaa loo soo qabtay kiiska afduubka iyo dila ee Abubakar Axmed. Waxaa ka mid ah dadkaas taliyihii saldhiga Booliska ee degmada Huriwaa oo ah halka uu falku dhacay.

    Sidoo kale waxa ay boolisku sheegeen in la qabtay ciidan la socday taliyaha saldhigaas oo ka mid ahaa booliska oo tiradoodu ahayd shan askari iyo laba ruux oo kale oo shacab ah, dhamaantoodna la horgeyn doono cadaalada.

    Waxa uu sheegay in dhamaan saraakiishana ciidamada ay yihiin eedeysanayaal, ayna gacanta ku hayaan kiiskooda guddi ka socota xeer-ilaalinta.

    Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay falal la xiriira dilal, kuwaas oo intooda badan hafalhayn ka abuuray baraha bulshada.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Taliye Cusub Oo Hoggaanka La Wareegay: Ciidanka Cirka Xoogga Dalka

    March 7, 2026

    DEG DEG: Iran oo adeegsaday hub cusub oo aad u khatar badan, gantaal Hypersonic ah oo lagu weeraray Tel Aviv

    March 7, 2026

    14 sano kadib, Soomaaliya ayaa maanta yeelatay dastuur dhameystiran,

    March 4, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Taliye Cusub Oo Hoggaanka La Wareegay: Ciidanka Cirka Xoogga Dalka

    March 7, 2026

    DEG DEG: Iran oo adeegsaday hub cusub oo aad u khatar badan, gantaal Hypersonic ah oo lagu weeraray Tel Aviv

    March 7, 2026

    14 sano kadib, Soomaaliya ayaa maanta yeelatay dastuur dhameystiran,

    March 4, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.