Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025

    DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 4, 2025

      Raiisulwasaare Hamze iyo taliyaha cusub NISA Mahad Salad oo goordhow u ambabaxay dalka Jabuuti

      June 1, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Madaxweynaha Somaliland oo maanta u safraya dalka Kenya

      May 26, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 4, 2025

      Raiisulwasaare Hamze iyo taliyaha cusub NISA Mahad Salad oo goordhow u ambabaxay dalka Jabuuti

      June 1, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Qoyska Abubakar oo maydkiisa lga helay banaanka Muqdisho oo ka waramay sida uu u dhacay afduubka wiilkooda

    Qoyska Abubakar oo maydkiisa lga helay banaanka Muqdisho oo ka waramay sida uu u dhacay afduubka wiilkooda

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMarch 1, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Habeen arbaco ah, 22 kii bisha Febarury ayaa koox hubaysani waxay wadada ku joojiyeen Abubakar Axmed oo ah nin dallinyaro ah oo maalmo ka hor maydkiisa laga helay duleedka Muqdisho.

    Qiyaastii 11 kii fiidnimo ee xiliga Soomaaliya, ayaa waxaa wada ku taalla degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir waxaa istaajiyay ciidamo ku la bisan dharka booliska Soomaaliya, sida uu qoyska la wadaagay nin dhallinyaro ah oo la socday Abubakar.

    “Rag hubaysan oo dharka booliska wata oo jidka taagan ayaa waxa ay u istaajiyaan sida qolo amniga sugaysa oo kale,..labada dhinac ayaa laga kala istaagay, labadaba waa la dajiyay waxaan dareemeynaa bartilmaameedku inuu ahaa yarkaan walaalkeey ah oo dhiman doona,” ayuu BBC da u sheegay Maxamed Axmed oo ah walaalka ka wayn Abubakar.

    Abubakar ayaa ahaa sida uu noo sheegay walaalkiisa ganacsade ka shaqaysta lacagaha danabaysan iyo sarifka.

    Wuxuu intaa ku daray intaas isaga oo soo xiganaya ninkii dhallinyarada ahaa ee joogay goobta, in gaari uu watay Abubakar oo ahaa Toyota Surf iyo isagabii ay ka xaysteen ragii ciidanka ahaa.

    “Gaarigii sidaas ayay ku wateen, [iyo] wiilka dhiman doona ee walaalkeey ah oo jeebeysan oo indhaha ka xiran

    Booliska Soomaaliya waxay sheegeen in ay baaritaan wali ku wadaan dhacdadaan.

    Subaxii xigay habeenkii la afduubtay ayaa qoysku sheegeen in maydka Abubakar laga helay dulledka magaalada Muqdisho isaga iyo gaarigii uu watay intaba.

    “Meel walba ayaan ka raadinay”

    Maxamed wuxuu BBC da u sheegay habeenka la afduubtay walaalkiis uu isagu ku sugnaa magaalada nairobi ee dalka Kenya, balse maadaama ay shirko ku ahaayeen ganacsiga lacagaha isaga iyo walaalkii Abubakr, oo ay si aad u dhaw isaga war hayeen uu markiiba ka war helay dhacdada qabsatay walaalkii.

    “Waxaan isla markiiba ku dadaalay inana la xariiro dad asxaab ah oo aan ku lahaa laamaha amniga qaybahooda kala duwan…waa la baxay meeshii wax ka dhaceenaa la tagay, gacamada kala duwan ee ciidamada qalabkaa sidaa la galiyay…laakiin qadartoo qorneed awgeed iyo cidda wax fulisay oo ahyd cid abaabulan ayaa ilaahey wuxuu qadaray [inaan la qaban kooxdii afduubka gaysatay].

    Gaariga in laga furay taarikada ayuu raaciyay hadalkiisa Maxamed.

    Dhanka kale waxa uu BBC da u sheegay in lacago ku jiray akoonada uu maamulayay Maxamed qaarkood lala baxay. Ma uusan cadda sida loola baxay lacagahaas, balse qoysku waxay tuhmayaan in afduubayaashu ay ku qasbeen Abubakar in uu lacagta soo saaro.

    Waxa kale oo uu sheegay in akoonada qaar ee ay uu hayay lambarkooda sirta uu markiiba ka bixiyay lacagihii ku jiray.

    Sidee ku badbaaday wiilka la socday Abubakar?

    Sida ay sheegeen Qoyska oo soo xiganayay wiilka, waxaa isaga iyo Abubakarba laga amray in ay ka soo dagaan gaarigii ay wateen, ka dibna waxaa lagu amray in ay jilbaha dhulka dhigtaan indhaha ayaana laga xiray.

    Muddo kadib ayaa labadoodiiba la soo waday loona soo ka xeeyay gaarigii la saari lahaa, balse inta aan wiilkan yar la sari gaariga ayuu u sheegay ninkii hubaysnaa ee gacanta ku hayay ‘inuu baxo dib dambana gadaal u soo fiirin’.

    Sidaas ayuu ku helay fursad uu qoyska kula wadaago shilka ku dhacay Abubakar.

    Wiilkaan ayaa sidoo kale qaraabo la ahaa Abubakar.

    Somali Police

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Boolisku maxay yiraahdeen?

    Sid aay sheegeen booliska Soomaaliya ilaa iyo todoba qof ayaa loo soo qabtay kiiska afduubka iyo dila ee Abubakar Axmed. Waxaa ka mid ah dadkaas taliyihii saldhiga Booliska ee degmada Huriwaa oo ah halka uu falku dhacay.

    Sidoo kale waxa ay boolisku sheegeen in la qabtay ciidan la socday taliyaha saldhigaas oo ka mid ahaa booliska oo tiradoodu ahayd shan askari iyo laba ruux oo kale oo shacab ah, dhamaantoodna la horgeyn doono cadaalada.

    Waxa uu sheegay in dhamaan saraakiishana ciidamada ay yihiin eedeysanayaal, ayna gacanta ku hayaan kiiskooda guddi ka socota xeer-ilaalinta.

    Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay falal la xiriira dilal, kuwaas oo intooda badan hafalhayn ka abuuray baraha bulshada.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025

    DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 4, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025

    DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.