Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Faah faahino Dheeraad ah oo kasoo Baxayo iska hor imaad kooban oo ka dhacay Baladweyne

    September 3, 2025

    Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay dhigiisa dalka Serbia

    September 2, 2025

    Koox hubeysan oo xalay Nabadoon ku dishay Beledxaawo

    September 2, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Faah faahino Dheeraad ah oo kasoo Baxayo iska hor imaad kooban oo ka dhacay Baladweyne

      September 3, 2025

      Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay dhigiisa dalka Serbia

      September 2, 2025

      Koox hubeysan oo xalay Nabadoon ku dishay Beledxaawo

      September 2, 2025

      Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Magaalada laga Saaro Ciidamada Jubbaland

      September 2, 2025

      Maamulka Mandheera oo cadeeyay in dowladda Kenya ay taageero u fidisay ciidanka Jubbaland

      August 31, 2025

      Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo Xarigga Ka Jaray Safaaradda Cusub

      August 11, 2025

      Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo Xarigga Ka Jaray Safaaradda Cusub

      August 11, 2025

      Madaxweyne Trump: “Israel Aduunka oo dhan waa laga nacay”

      July 31, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Faah faahino Dheeraad ah oo kasoo Baxayo iska hor imaad kooban oo ka dhacay Baladweyne

      September 3, 2025

      Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay dhigiisa dalka Serbia

      September 2, 2025

      Koox hubeysan oo xalay Nabadoon ku dishay Beledxaawo

      September 2, 2025

      Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Magaalada laga Saaro Ciidamada Jubbaland

      September 2, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Qorshe lagu baajinayo bixista ciidanka ATMIS oo bilowday iyo dhinacyada riixaya

    Qorshe lagu baajinayo bixista ciidanka ATMIS oo bilowday iyo dhinacyada riixaya

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMay 27, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ciidanka Midowga Afrika ayaa joogay Soomaaliya tan iyo 2007-dii. Mar waxay ku howl-gali jireen magaca AMISOM maantana magaca ATMIS.

    Waxqabadkooda 17-kii sano ee Soomaaliya ay joogeen waa lagu kala aragti duwan yahay. Waxaase dhowrkii sano ee ugu dambeysay dhinaca Soomaalida ka socday dalab ah in lasoo gaba-gabeeyo howl-galkan oo ay masuuliyadda amniga la wareegaan Soomaalidu, hadda’se waxaa gobolka ka bilaabatay dood taas ka duwan.

    Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa dhawaan isaga oo ku sugan Aqalka Cad waxa uu sheegay in haddii ay Soomaaliya ka baxaan ciidanka ATMIS inay toos u qabsanayaan argagixisada, taasina aanay cidna faa’iido ugu jirin.

    Waxa uu sheegay inay dhawaan kulmeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayna ka wada-hadleen culeysyada amni ee jira iyo halista ka dhalan karta bixitaanka ATMIS.

    William Ruto wuxuu weydiistay Mareykanka inuu soo faro-geliyo arrintan. Kenya waxay kamid tahay dalalka ololaha ugu jira inay ciidanka ATMIS sii joogaan Soomaaliya.

    Sida loo qorsheeyay bixitaanka ciidanka ATMIS waxaa lagu saleeyay heshiis sanadeed ee laguma saleynin xaalado, micnaha majiro hiigsi amni oo haddii la gaaro laga maarmayo ciidankan ka socda Midowga Afrika, balse waxaa la qorsheeyay in dhamaadka 2024 ay dalka ka baxaan, waana midda keentay walaaca

    Dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto argagixisada ayaa xooga horumar ah laga sameeyay sanadkii koowaad ee xukunka labaad ee madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin sanadkii u dambeeyay dagaallo badan ma jirin waana midda keentay doodda ku saabsan in amniga Soomaaliya uu joogo marxalad laga maarmi karo ciidanka Midowga Afrika.

    Dalalka gobolka waxay ku doodayaan in haddii ay marxaladan kaga soo baxaan Soomaaliya inay dalalkooda amni ahaan saameyn doonta oo ay argagixisada soo xoogeysan doonto. Waxayna olole aan qarsooneyn ugu jiraan in arrintaas dib loo dhigo oo la sameeyo qorshe kale.

    Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay arrintaan soo fara-geliyaan. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu ku laabto Kenya, iyada oo ujeeddooyinka safarkiisa ay ku jirto arrinta ciidanka ATMIS.

    Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa weli tababar ahaan, saanad ahaan iyo dhaqaale ahaanba ku tirsan dalal shisheeye, waxaana jira walaac ku saabsan sida uu xaalka noqon karo haddii ay dalalkaas gacmaha ka laabtan.

    Si walba, hadda waxaa muuqata in dood kasoo laabatay inay ciidanka ATMIS dhamaadka sanadkaan ka baxaan Soomaaliya.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Faah faahino Dheeraad ah oo kasoo Baxayo iska hor imaad kooban oo ka dhacay Baladweyne

    September 3, 2025

    Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay dhigiisa dalka Serbia

    September 2, 2025

    Koox hubeysan oo xalay Nabadoon ku dishay Beledxaawo

    September 2, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Faah faahino Dheeraad ah oo kasoo Baxayo iska hor imaad kooban oo ka dhacay Baladweyne

    September 3, 2025

    Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay dhigiisa dalka Serbia

    September 2, 2025

    Koox hubeysan oo xalay Nabadoon ku dishay Beledxaawo

    September 2, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.