Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Qoor-Qoor oo Mareykanka u gudbiyay warbixinta hubkii gacanta u galay shacabka

    Qoor-Qoor oo Mareykanka u gudbiyay warbixinta hubkii gacanta u galay shacabka

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJuly 17, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug oo maanta safar aan la shaacin ugu soo duulay Muqdisho, ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay masuuliyiinta sare ee safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

    Qoor-Qoor oo markii uu Muqdisho kasoo degay toos u galay xarunta safaaradda oo ku taalla gudaha xeyndaabka aadka loo ilaaliyo ee Xalane ayaa la kulmay Shane Dixon oo ah sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka, ahna ku-xigeenka safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

    Xogaha kasoo baxaya kulanka Qoor-Qoor iyo safiir ku-xigeenka Mareykanka ayaa sheegaya in looga hadlay hubkii faraha badnaa ee Isniintii lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq, kaasi oo dowladda federaalka ay sheegtay inuu ahaa hub sharci darro ah oo ay soo qabatay, ayna sii dhaceen shacabka deegaankaasi.

    Qoor-Qoor ayaa Mareykanka la wadaagay warbixinta hubkaasi oo walaac xooggan abuuray, xilli dhawaan ay Soomaaliya ku guuleystay in laga qaado xayiraadda hubka oo sanado badan saarneyd.

    Xogaha laga helayo kulankaan ayaa sidoo kale tibaaxaya in Qoor-Qoor uu dowladda Mareykanka u gudbiyay shaqsiyaadka la tuhunsan yahay inay hubka ka keeneen Itoobiya iyo halka uu ku socday intaba

    Tan iyo markii ay Isniintii soo baxday in hubkaan culus uu u gacan galay dad shacab ah ayaa waxaa dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug kasoo yeerayey hadallo is-khilaafsan, oo halis gelin kara in dib u eegis lagu sameeyo xayiraadda hubka ee Soomaaliya, oo dhawaan laga qaaday.

    Hubka gacanta u galay dadka shacabka ayaa lasoo warinayaa inuu ahaa hub aad u culus, ayada oo illaa hadda si rasmi ah loo ogeyn ujeedka laga lahaa, marka laga yimaado in uu kasoo gudbay dhanka Itoobiya, ayada oo warar aan la xaqiijin sheegayaan inuu u socday qaar kamid ah musharaxiinta u taagan madaxtinimada Galmudug.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.