Qaramada Midoobay oo warbixin kasoo saartay daadadka ka dhashay roobka mahiigaanka ah iyo fatahaadaha Webiyada in ay saamayn taban ku reebeen Dalalka dhaca Bariga Qaaradda Afrika iyada oo diiwaanka lagu soo daray dad ku dhintay.
Bayaanka Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Dadka daadadku saameeyeen ay kor u dhaafayaan 1.6 Milyan oo ruux halka dhimashada inta la diiwaangeliyay ay gaarayso 473 ruux waxxaana guryahooda isaga barakacay 410,350 qof.
Dalalka magacyadooda kusoo baxay liiskaan ayaa kala ah: Burundi, Ethiopia, Kenya, Somalia, Uganda & Tanzania inkasta oo saamayntu ay ku kala badan yihiin maadaama roobka uu ku kala xoogganayaa Dalalkaan sida hadalka loo dhigay.
Waddooyinka waa wayn qaar kamid ah Dalalkaan, goobaha biyuhu maraan iyo dhulka ku dhow togagga ama webiyada ayaa laga diiwaangeliyay saamaynta ugu badan ee waxyeellada ka dhalatay Roobabka Mahiigaanka ah iyo fatahaadaha la socda.
Hay’adaha dhinaca Bani aadamnimada qaabilsan ee Qaramada Midoobay ayaa gargaar degdeg ah u dalbay qoysaska barakacay ee naftooda kala baxsaday si aanay waxyeello ama dhibaato uga soo gaarin Daadadka iyo fatahadaas.
Digniin xooggan ayaa laga muujiyay dabaylaha la saadaalinayo, roobka xooggan ee xiligaan da’I kara iyo fatahaadda ay samayn karaan webiyada, goobaha loogu talagalay in biyaha xad-dhaafka ah maraan ama ku hooraan iyo dhulka godka ah ama hooseeyo.