Koox muhaajiriin ah oo sanadkii hore laga qaaday dhul fog oo UK leedahay ayaa la geeyay Rwanda. Waxay sheegeen in ay dareemayaan go’doon iyo ammaan la’aan iyadoo midkood uu tilmaamay xaaladda in ay la mid tahay “xabsi dusha kafuran”.
Xisbiyada siyaasadda ayaa ku kala qeybsan qorsha dowladda ay ugu direyso magangalyo doonka Rwanda. BBC ayaa u aadday Rwanda si ay ula hadasho afar muhaajiriin ah oo halkaas la sii geeyay.
Kooxdaas ayaa laga soo qaaday jasiiradda Diego Garcia oo ah dhul ku yaal badweynta Hindiya. Waxay sheegeen baahidooda caafimaad, oo la xiriirta xaalad qaar ah oo kufsi iyo jirdil ay hore ula kulmeen ah, in aysan Rwanda dabooli karin.
Mid kasta oo ka mid ah waxaa la siiyaa toddobaadkii 50 doolar si ay ugu gataan cunto iyo waxyaabaha kale ee muhiimka ah. UK iyo Rwanda waxay heshiis ku galeen in aysan shaqeyn karin.
Afartooda waxay sheegeen in ay wadooyinka kula kulmeen cagajugleyn iyo faraxumeyn. Waxay sheegeen halka ay joogaan in ay tahay “xabsi ay iyaga isgeliyeen”. Aad ayey uga baqayaan in ay baxaan. UK ayey ka sugayaan in ay u hesho meel ay joogto ugu noolaadaan.
Muhaajiriintaas oo ka soo jeeda dhammaantood Tamil-ka Sri Lanka, waxaa la geeyay Rwanda si ay u helaan daryeel caafimaad oo degdeg ah kaddib markii ay isku dayeen in ay isdilaan. Hadda way ka soo baxeen isbitaalkii militeri, waxayna ku nool yihiin labo guri oo lacagta ay bixiso dowladda Britian, kuwaas oo ku yaal bannaanka caasimadda Kigali.
Joogistooda Rwanda lama mid noqoneyso tan magangalyo doonka UK laga soo qaadayo. Garyaqaan u doodaya labo ka mid ah afartooda ayaa sheegay in “khibradda xun ay muujineyso walaac weyn” oo la xiriira awodda Rwanda ay ku siin karto meel nabdoon qaxootiga nugul.
Mas’uul sare oo reer Rwanda ah ayaa BBC u sheegtay in ay “ku kalsoon tahay” nidaamka caafimaad ee dalkeeda, walaaca ay qabaan muhaajiriintana lalama wadaagin inta kale. Waxayna intaas ku dartay “Waxaan halkan jooga ajnabi horumar ka sameeyay”.
Si aan loo aqoonsan muhaajiriina ay BBC-da la hadashay waxaan badelnay magacyadooda.
Midkoodna afartooda iskuma dayin in ay soo galaan UK balse waxay magangalyo ka dooneen jasiiradda Diego Garcia oo Mareykanka iyo UK u aheyd saldhig militeri oo qarsoon.
Waxay ka mid ahaayeen tobaneeyo yimid jasiiradda bishii Oktoobar sanadkii 2021-kii. Waxay sheegeen in ay ka soo ordeen cadaadis ayna u socdeen Canada si ay magangalyo uga helaan.
Afartooda waxay noo sheegeen in dalalkooda ay kula soo kulmeen jirdin iyo kufsi taas oo la xiriirta falaagadii Tamil Tiger, kuwaas oo dagaalkii sokeeye ee Sri Lanka looga aadkaaday 15 sano ka hor.
“Ma haysano daaweyn hagaagsan. Waxaan qabnaa xaalado xaafimaad oo maskaxda ah” ayuu yiri midka mid ah muhaajiriinta oo 23 jir ahaa. “Markasta oo aan u tagno dhakhaatiirta, una sheegno dhibaatooyinkeena nama caawin karaan”.
Wuxuu sheegay in shaqaalaha caafimaadka Rwanda ay ku qeyliyeen, looguna hanjabay in loo celinayo Diego Carcia.
Mayur oo 26 jir isku gurina ay deggan yihiin ayaa isna noo sheegay in talo caafimaad la siiyay balse ma uusan helin daawada saxda.
Garyaqaan Tom Short oo ka tirsan shirkadda Leigh Day ee UK ayaa sheegay qiimeyn ay sameeyeen khubaro madaxda in lagu ogaaday afartooda in ay qabaan baahiyo caafimaad oo daran, taas oo Rwanda wax looga qaban.
Saddex ka mid ah muhaajiriinta, labo nin iyo haweeney, waxay British Indian Ocean Territory (Biot) oo jasiiradda maamula sheegeen in ay aqbaleen dalabkooda. Qaramada midoobay iyo garyaaqano matalaya kooxda waxay sheegeen in taasi ay ka dhigeyso qaxooti. Ninka afaraadna ee kooxda waxaa isagana loogu ogolaaday gabadhiisa uu la socdo.
Tani waxay ka dhigan tahay in kooxdan lagu celikarin Sri Lanka. Balse UK waxay sheegtay in aysan qaadaneyn. Dowladda UK waxay BBC-da u sheegeen sanadkii hore in Biot aysan noqon karin albaab gadaal oo UK laga soo galo.
Picture
Waxay noo sheegeen in dhowr jeer laysku dayay in loo soo dhaco gurigooda. Waxay na-tusiyeen muuqaalo muujinaya dad soo galay oo darisku qabteen.
Waxay sidoo kale noo sheegen in mar ay koox rag ah kala dhexgaleen iyagoo isku dayay in ay taabtaan Lakshani waxayna adeegsanayeen erayo aan qumaneyn.Maamulka Biot kama jawaabin codsi aan u dirnay.
Ms Picard oo ah mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Rwanda ayaa sheegtay in ayan gareynin si ay u caawiyaan hadii aan mas’uuliyiinta lala soo xiriirin. Waxay kaloo BBC-da u sheegtay in aan walaaca muhaajiriina ee badqabkooda cidna lala waadaagin.
Dowlada UK waxay sheegtay in heerka dambiyada Rwanda uu yahay mid hooseeya balse ay ka jiraan Kigali kiisas xatooyo, kuwa guryaha loo dhaco iyo wax dafid.
Muhaajiriintan waxay qireen in Rwanda ay kala kulmeen macaamil wanaagsan balse waxay sheegeen in wayo aragnimada xun ay ka timid dhibaatooyinkii hore ee ay la soo kulmeen taas oo ku reebtay cabsi.
Lakshani iyo Khartik waxay sheegeen in xaaladooda Rwanda ay ka fiican tahay jasiiradda Diego Garcioa halkaasi oo ay ku noolaayeen xero jiir ka buuxo oo teendhooyin ah.
Afartooda waxay BBC u sheegeen in aysan rajeyneyn in ay sii joogaan Rwanda oo ay ku laabanayaan jasiiradda ilaa inta looga helay dal saddexaad oo ammaan ah.
Xafiiska arrimaha dibadda UK kama jawaabin su’aalaha BBC-da ee ku saabsan in Rwanda tahay dal saddexaad oo ammaan ah oo si rasmi ah dib loogu dajin karo muhaajiriintaas.
Mar aan weydiinay muhaajiriinta qorshaha dowladda UK ee muhaajiriinta lagu dajinayo Rwanda, dhammaantooda waxay noo sheegeen in ay ka walaacsan yihiin.