Xaafada Xaawo Taako ee Magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa ka dhacay Qarax la sheegay in uu noociisu ahaa Miino waxaana ku dhintay labo ruux oo kala ah Qof Shacab ah & Askari katirsan Ciidanka Dowladda Federaalka.
Qaraxa goobta uu ka dhacay oo Maqaaxi waxaa dhaawac kasoo gaaray Haweeneydii ku Ganacsaneysay oo la geeyay mid kamid ah Goobaha Caafimaadka ee Magaalada Baladweyne Gobolka Hiiraan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.
Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka oo goobta gaaray ayaa joojiyay dhaqdhaqaaqa Dadka iyo Waddooyinkii ay marayeen Gaadiidka si ay u sameeyaan Baaris dhammeystiray Sida Mustaqbal ay u sheegeen ilo kala Duwan.
Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan waxa ay Muddooyinkii dambe ka xasilooneed Qaraxyada iyo Falalka kale ee Amniga liddiga ku ah kaddib markii Laamaha ammaanka ay kordhiyeen howlgallada lagu baarayo Gaadiidka & Dadka la socda.