Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro ku eedeysan khal khal gelinta amniga waddooyinka

    September 16, 2025

    MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Amiirka Qatar.

    September 16, 2025

    Shirka Carabta iyo Islaamka oo War-murtiyeed Adag ka Soo Saaray Weerarka Israa’iil ku Qaadday Qatar

    September 16, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro ku eedeysan khal khal gelinta amniga waddooyinka

      September 16, 2025

      DG Waqooyi Bari oo si adag ugu hadashay duqeyntii lagu dilay Caaqil Cumar iyo Fariin ay u direen DFS

      September 16, 2025

      Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

      September 12, 2025

      Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

      September 12, 2025

      MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Amiirka Qatar.

      September 16, 2025

      Shirka Carabta iyo Islaamka oo War-murtiyeed Adag ka Soo Saaray Weerarka Israa’iil ku Qaadday Qatar

      September 16, 2025

      Duqeymo iyo madaafiic ku socda Qasa

      September 16, 2025

      Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

      September 12, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro ku eedeysan khal khal gelinta amniga waddooyinka

      September 16, 2025

      MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Amiirka Qatar.

      September 16, 2025

      Shirka Carabta iyo Islaamka oo War-murtiyeed Adag ka Soo Saaray Weerarka Israa’iil ku Qaadday Qatar

      September 16, 2025

      Duqeymo iyo madaafiic ku socda Qasa

      September 16, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Qaramada Midoobay ayaa ka walaacsan Turki Kenya qaxooti ku ahaa oo loo celiyay dalkooda

    Qaramada Midoobay ayaa ka walaacsan Turki Kenya qaxooti ku ahaa oo loo celiyay dalkooda

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comOctober 22, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Hay’adda qaxootiga Qaramada Midoobay, UNHCR, ayaa sheegtay in ay si weyn uga walaacsan tahay warka ku saabsan afar qof oo qaxooti ah oo Kenya ay ku celisay Turkiga.

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa sheegtay in Turkiga uu ka codsaday soo celinta afarta qof.

    Hadalkan ayaa soo baxay kaddib markii la helay warar sheegaya in dhowr qof laga afduubtay wadooyinka magaalada Nairobi Jimcihii.

    Nin u dhashay Britain ayaa BBC-da u sheegay in isaga iyo afar qof oo u dhashay Turiga ay afduubteen rag wajiga soo dabooshay.

    Wuxuu sheegay in la soo daayay sideed saacadood kaddib markii uu tusiyay dadkii soo afduubtay koobiga baasaboorkiisa British-ka ah.

    Qoraal ka soo baxay UNHCR ayaa lagu sheegay, “Waxaan ku adkeyneynaa dowladda Kenya in ay u hoggaansanto waajibaadka ka saaran qeynuunka caalamiga, gaar ahaan, in ay ixtiraanto mabaadi’da in aan dib loo celin qaxootiga iyo magangalyo-doonka, lagana ilaaliyo tallaabo kasta oo horseedi karto in la geeyo meel xorriyadooda ama noloshooda ay halis ku galeyso”.

    Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegtay in ay aqbashay codsiga Turkiga ee dib loogu celinayo afartaas nin, sababtuna ay tahay xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ee adag ee ay la leeyihiin dalka Turkiga, waxaana la xaqiijiyay in qaxootiga loola dhaqmi doono si sharaf leh.

    Afarta nin ayaa la aaminsan yahay in ay taabacsan yihiin dhaqdhaqaaqa Gulen oo ah urur Islaami oo xoog leh oo taageerayaashiisu adduunka kala joogaan. Hoggaamiyaha ururkaas ayaa dhawaan geeriyooday.

    Dhaqdhaqaaqa Gulen waxay maamulaan iskuula ku yaal Kenya iyo adduunka oo dhan.

    Turkiga waxaa looga yaqaan Hizmet ama adeeg, waxaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen isku daygii afgembi ee 2016-kii, markaa wixii ka dambeeyay waxaa loo aqoonsaday urur argagixiso.

    Dowladda Turkiga weli kama hadal ragaas la sheegay in lagu celiyay dalkooda.

    Sida uu dhigayo Axdiga qaxootiga Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 1951, qaxootiga laguma celin karo wadan ay kala kulmayaan khatar halis ku ah noloshooda ama xorriyadooda.

    Kaddib markii ay soo baxeen wararka sheegaya afduubka, shirkadda dhanka sharciga Kenyan ee Mukele & Kakai ayaa sheegtay in ay mataleyso afart nin ee dalka kaga diwaangashnaa qaxooti, waxayna uga digeen shirkadaha diyaaradaha in ay qaadaan.

    Warqad ay BBC-da aragtay ayaa ku tilmaantay ragaas in ay yihiin “Dhibanayaal siyaasadeed”.

    Dowladda Kenya waxay sheegtay in ay “ka go’an tahay ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda qaxootiga” iyo sidoo kale in ay “ka go’an tahay ilaalinta xogta shaqsiyaadka dib loo celinayo”.

    .

    Xigashada Sawirka,IMAGE SUPPLIED

    Qoraalka sawirka,Necdet Seyitoğlu wuxuu UK ku noolaa 18 ka hor inta uusan Kenya u guurin

    Nacdet Seyitoglu oo Britain u dhashay ayaa BBC-da u sheegay in lix qof oo kale oo u yaqaan oo dhammaantood Turki ah sidoo kale loo afduubtay sidaan si la mid ah kuwaas oo laga qabtay meelo kala duwan oo Nairobi ah.

    Hadal ka soo baxay xafiiska arrimaha dibadda UK ayaa lagu sheegay in ninka u dhashay Britain ay taageero siinayaan isaga iyo qoyskiisa taas oo la xiriirta wixii ku dhacay.

    Booliska Kenya ayaa BBC-da u sheegay in ay baarayaan “dhacada afduubka” kaddib markii nin darawal mooto uu sheegay in uu arkay afduunka.

    Sida wararka sheegayaan labo gaari ayaa hore iyo gadaal ka istaagay gaari noociisu qalin yahay.

    “Ku dhawaad sideed qof oo hubeysan ayaa ka soo dagay labada gaari, labo qof ayey kala soo dageen gawaarida, wayna wateen”, ayey tiri Resila Onyango oo ah afhayeenad u hadashay booliska.

    Afhayeen u hadlay xafiiska Kenya ee hay’adda xuquuqda aadanaha Amnesty International ayaa sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin wararka sheegaya in 7 magangalyo doon oo Turkiga u dhashay laga afduubtay Kenya.

    Xiriirka Turkiga iyo dalalka Afrika ayaa sii kobcay 20-kii sano ee la soo dhaafay iyadoo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu soo xoojiyay.

    Ma ahan markii ugu horeysay oo la sheego in Kenya u dhiibto Turkiga dad u dhashay dalkiisa. Sanadkii 1999-kii ayaa hoggaamiyihii gooni u goosadka Kurdiyiinta Abdullah Öcalan ay ciidamada Turkiga ka qabsadeen dalka iyagoo dalkooda u watay, halkaas ayaa lagu maxkamadeeyay kaddibna la xukumay.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro ku eedeysan khal khal gelinta amniga waddooyinka

    September 16, 2025

    MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Amiirka Qatar.

    September 16, 2025

    Shirka Carabta iyo Islaamka oo War-murtiyeed Adag ka Soo Saaray Weerarka Israa’iil ku Qaadday Qatar

    September 16, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro ku eedeysan khal khal gelinta amniga waddooyinka

    September 16, 2025

    MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Amiirka Qatar.

    September 16, 2025

    Shirka Carabta iyo Islaamka oo War-murtiyeed Adag ka Soo Saaray Weerarka Israa’iil ku Qaadday Qatar

    September 16, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.