Close Menu
    What's Hot

    DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

    February 7, 2026

    DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

    February 7, 2026

    DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

    February 7, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

      February 7, 2026

      DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

      February 7, 2026

      DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

      February 7, 2026

      DEGDEG:- Xildhibaano iyo Ciidan isku dhex dagaalay xarunta Baarlamaanka,

      February 7, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

      February 7, 2026

      DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

      February 7, 2026

      DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

      February 7, 2026

      DEGDEG:- Xildhibaano iyo Ciidan isku dhex dagaalay xarunta Baarlamaanka,

      February 7, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Qaraarka hab-raaca ansixinta wax-kabedelka dastuurka  KMG ah ee Soomaaliya

    Qaraarka hab-raaca ansixinta wax-kabedelka dastuurka  KMG ah ee Soomaaliya

    By radiohalgan.comJanuary 26, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Baarlamaanka federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal ayaa ansixiyay, Qaraarka hab-raaca ansixinta wax-kabedelka Dastuurka  KMG. Habraacan oo ka kooban 8 qodob ayaa waxa uu qeexayaa cidda leh mas’uuliyadda horgeynta Baarlamaanka ee waxkabedelka Dastuurka iyo hanaanka horgeynta intaba.

    Qodobka 1aad ee hab-raaca ayaa waxa uu xeerinayaa masuuliyadaha iyo awoodaha gudiga dib u eegista iyo la-socodka Hirgelinta Dastuurka. Qodobkan oo ka kooban ilaa 3 faqradood ayaa soo xiganayaa qodobo dastuuri ah  oo raadraac u noqnaya shaqada ay gudigu qabanayaan.

    Sidoo kale qodobka 1aad ee hab-raacu waxa uu iftiiminayaa shaqooyinka gudiga oo ay ka mid tahay soo uruurinta aragtida bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku aaddan wax-kabedelka Dastuurka, sidoo kale waxa uu qodobkaani qeexayaa in ay tahay in guddigu howlgeliyo goloyaasha sharci-dejinta dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka si ay u soo gudbiyaan aragtidooda ku aaddan wax-kabedelka Dastuurka. Iyo in guddigu ugu dambeyn soo jeedintiisa u gudbiyo guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya si ay u gutaan waajibkooda.

    Qodobka 2aad hab-raaca ansixinta wax-kabedelka Dastuurka  KMG ah oo ka kooban ilaa 5 faqradood ayaa waxa uu ka hadalayaa arrin xasaasiyad ka dhex abuurtay Baarlamaanka oo ah kulamada wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Waxa uuna qeexayaa kooramka oo noqonaya (50%+1) ee tirada guud ee Baarlamaanka si waafaqsan xeer hoosaadyada labada aqal.

    Guddoonka labada aqal ayaa la kulmaya Gudiga Dib u eegista iyo la-socodka Hirgelinta Dastuurka si ay uga wadashaqeeyaan isuguna waafaqo waqti-howleedka kulamada labada aqal iyo shaqad ay qabaayaan ee ansixinta hindise sharciyeedka soo jeedinta wax ka bedelka Dastuurka. Sidoo kale waa in la isla fahmaan qorshe cad oo qeexaya shaqada la qabanayo iyo waqtigeeda rasmiga ah.

    Qodobkaan ayaa sidoo kale sheegaya in guddigu diyaariyo qodobada u baahan wadaxaajood qaran isla markaana qodobada ka soo baxa ay ku daraan dib u eegista Dastuurka. Ugu dambeyna qodobkaani waxa uu sheegayaa in kulamada wadajirka ah ee labada aqal ee u gaarka ah ka doodista iyo ansixinta soo jeedinta wax ka bedelka Dastuurka waxaa la raacayaa hab-raacaan.

    Qodobka 3aad ee habraacaani waxa uu diiradda saarayaa sida loo wajahayo soo jeedinta waxaka bedelka Dastuurka, waxa uuna gudiga Dibu eegista iyo la-socodka Hirgelinta Dastuurka warbixinnadooda ku salayn doonaa waafaqsanaanta ujeedooyinka la hiigsanayo,  Dastuurka dalka iyo qorshe-howleedyada loo dejiyay gudiga Dibu eegista iyo la-socodka Hirgelinta Dastuurka,  sidoo kale waxa uu habraacani sheegayaa in gudiga Dibu eegista iyo la-socodka Hirgelinta Dastuurka ay warbixinno u diraan isla markaana ka codsadaan aragtidooda dhamaan xafiisyada kala ah; Madaxtooyada JFS, Xukuumadda JFS, Maxkamadda sare, Maxmakadda dastuurka, Xukuumadaha dowladgoboleedyada, Golayaasha wakiillada dowladgoboleedyada, Maamulka gobolka Benaadir, Maamulka SSC-khaatumo, Culimada Soomaaliyeed iyo Bulshada reyitka.

    Qodobka 4add ayaa waxa uu diiradda saarayaa marxaladda 1aad oo ku asteysan ka doodista waxka bedelka Dastuurka, ayada oo si cutub cutub ah ama qodobo ayaa looga doodayaa ayada oo la waafajinayo qaraar BFS ee soo baxay bishii luuliyo 2015kii kaas oo xeerinaya hab-raacyada dibu-eegista Dastuurka, ayada oo qodobada dastuurka look ala saarayo kuwo farsamo ahaan loo saxayo iyo kuwo u baahan wadaxaajood siyaasadeed.

    Qodobka 5aad ee habraacaani waxa uu diiradda saarayaa marxaladda 2aad ee u codeynta iyo ansixinta soojeedimaha waxkabedelka Dastuurka, marxaladdaas oo kal billaabaneysa u qeybinta xildhibaannada labada aqal nuqulka qodobada ama cutubka laga doodayo, ayada oo la marayo hababka caadiga ah ee aqrinta hindisayaasha la soo jeediyo. Marka la anixinayo waxkabedelka Dastuurka waxaa loogu codeynayaa hab gacantaag ah taasoo waafaqsan xeerhoosaadyada labada aqal. Sidoo kale qodobkani waxa uu sheegayaa in xubin kaste oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka ay waajib ku thay in uuka qeybgalo codeynta ansixinta Dastuurka mudada codeyntu socoto.

    Qodobka 6aad ayaa sidoo kale waxa uu sheegayaa meelmarinta Dastuurka, ayada oo nuqulka Dastuurka ee uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka loo dirayo meelmarinta madaxweynaha federaalka Soomaaliya deetana waxa uu dhaqangelayaa marka lagu soo saaro faafinta rasmiga ah. Isla qodobkaani waxa uu sheegayaa in markii duruuftu saamaxdo Dastuurka loo bandhigi doono Shacabka Federaalka Soomaaliya si kama dambeys looga dhigo Dastuur loo dhanyahay.

    Qodobka 7aad waxa uu leeyahay dastuurka cusub ee JFS waxa uu si ku meel gaar ah u dhaqan geli doonaa markii lagu soo saaro faafinta rasmiga ah, waxa uuna yeelan doona dhaqangal rasmi ah markii lagu daro qodobada kasoo baxa heshiiska iyo wadaxaajoodka dowladda federaalka iyo gobollada waqooyi (Soomaaliland) isla markaana shacabka Soomaaliyeed ku ansixiyo afri qaran.

    Ugu dambeyn qodobka 8aad habraacani waxa uu dhaqan geliyaa marka ay labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ansixiyaan. Waana ay ansixiyeen. Sidaas ayuuna dhaqangal ku yahay.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

    February 7, 2026

    DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

    February 7, 2026

    DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

    February 7, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

    February 7, 2026

    DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

    February 7, 2026

    DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

    February 7, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.