Ivory Coast ayaa noqday waddankii ugu dambeeyay ee Afrikaan ah ee ku biira ololaha Faransiiska looga eryayo qaaradda Afrika.
Todobaadyo gudahood dalalka Senegal iyo Chad ayaa ku amray ciidamada Faransiiska in ay ka baxaan dhulkooda, Ivory Coast waxay Faransiiska ku amartay in ugu dambeyn uu ka baxo dalkaasi wixii ka dambeeya 1-dii Janaayo.
Dalalkan ayaa sheegay tillaabadani la xiriirto ilaalinta madax-banaanidooda, sharaftooda iyo iska fogeynta gumeystihii Faransiiska.
Sanado gudahooda, ugu yaraan lix waddan ayaa weydiistay Faransiiska inuu la baxo askarta: Ivory Coast, Chad, Senegal, Burkina Faso, Mali, iyo Niger. Mar haddii Faransiisku ka baxo dalalkan, raadadka ciidan ee uu ku leeyahay Afrika waxa ay ku koobnaan doonaan oo keliya Jabuuti iyo Gabon.
Dalalkaan ayaa intooda badan waxaa ka dhacay isbadal xukun, iyaga oo sheegay in aysan dooneyn marti galinta Ciidamada Faransiiska.