Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG Gordhaw Gabadhanoo lagu Dilay Beledweyne

    May 15, 2025

    Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

    May 15, 2025

    DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

    May 15, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG Gordhaw Gabadhanoo lagu Dilay Beledweyne

      May 15, 2025

      Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

      May 15, 2025

      DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

      May 15, 2025

      Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ee ay u harsan tahay 12 bilood

      May 15, 2025

      Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

      May 14, 2025

      Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

      May 14, 2025

      Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan kula yeeshayRiyaad ee Sucuudiga Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac.

      May 14, 2025

      DEG DEG Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa kala saxiixday iskaashi dhaqaale oo istiraatiiji ah

      May 13, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      DEG DEG Gordhaw Gabadhanoo lagu Dilay Beledweyne

      May 15, 2025

      Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

      May 15, 2025

      DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

      May 15, 2025

      Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ee ay u harsan tahay 12 bilood

      May 15, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Qaar ka mid ah qisooyinka xanuunka badan ee laga soo warinayo marinka Gaza

    Qaar ka mid ah qisooyinka xanuunka badan ee laga soo warinayo marinka Gaza

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMarch 6, 20246 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Waxaa dhibaato badan iyo qisooyin xanun badan laga so sheegayaa marinka Gaza ee dagaalladu ay ka socdaan.

    Dhibaatada ugu daran ayaa waxay hadda soo food saartay carruurta reer Gaza.

    “Carruurta gaajadu hayso maxay ku dambayn doonaan, ma heli doonaan cid badbaadisa mise way dhiman doonaan, wiilkaygii Cali isaga mar hore ayuu dhintay”.

    Aabbaha dhalay Cali oo ah wiil yar oo Falastiini ah oo dhawaan nafaqo darro iyo fuuq-bax ugu dhintay isbitaalka keliya ee ku yaalla waqooyiga Gaza, ayaa codsaday in la caawiyo carruurta kale ee lagu daweynayo halkaas, iyadoo Qaramada Midoobey ay ka digayso macaluul haddii aan loo kordhin gargaarka.

    “Cali waxa uu dhashay xilliyo dagaal, mana jirin wax cunto ah ama wax ay cunto hooyadiis – arrinkaas oo kelyihiisa shaqo gab ka dhigay,” ayuu ninkan – oo aan magaciisa sheegin – u sheegay wareysi uu siiyay BBC-da qaybta cariba gaar ahaan barnaamijka Gaza Lifeline.

    “Cali noloshiisii ​​maalinba maalinta ka danbaysa way sii xumaanaysay, waxaan isku daynay inaan isbitaalada ku daweyno, balse ma jirin wax caawinaad ah oo aan helnay… Cali wuxuu ku hor dhintay caalamka oo daawanaya, anaga oo eegeyna ayuuna naf-baxay”.

    Nasiib darro, Cali waxa uu ka mid ahaa ugu yaraan 10 carruur ah oo koox ka socotay hay’adda caafimaadka adduunku oo booqday ay sheegeen in cunto la’aan ay ugu dhinteen isbitaalka Kamaal Adwan ee magaalada Beit laahiyah.

    Wasaaradda caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas ayaa ka warbixisay dhimashada 18 carruur ah oo ka dhashay nafaqo darro iyo fuuqbax guud ahaan Qaza tan iyo todobaadkii hore, iyadoo ugu yaraan 15 ka mid ah dhimashada ay ka dhacday Kamaal Adwan. Waxa ay sidoo kale cabsi ka muujisay lix caruur ah oo ay sheegtay in laga daweynayo nafaqo darro.

    Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee Unicef, ayaa ka digtay in tirada carruurta gaajada u dhimanaya ay si degdeg ah u kordhi doonto haddii aan la joojin dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, isla markaana aan si degdeg ah loo xallin caqabadaha hortaagan gargaarka bini’aadantinimo.

    Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in carruurta iyo haweenka ay 70% ka yihiin in ka badan 30,700 oo qof oo la dilay, 72,000 oo kalena lagu dhaawacay tan iyo markii uu dagaalka billowday.

    Milateriga Israa’iil ayaa howlgalo cir iyo dhul ah ka bilaabay Gaza kaddib weerarradii Xamaas ee Israa’iil ku qaadday 7-dii Oktoobar, halkaas oo ku dhawaad ​​1,200 oo qof – oo u badnaa rayid – lagu dilay 253 kalena lagu qafaashay.

    Qiyaastii 300,000 oo qof ayaa hadda ku go’doonsan waqooyiga Gaza, halkaasoo hay’adda cunnada adduunka ee WFP ay sheegtay in gaajada ay gaartay heer masiibo ah, sababtuna ay tahay gargaarka halkasi gaara oo aad u yar.

    Baaritaanno la xiriira dadka ay nafaqo-xumohayso oo ay halkaas ka sameeyeen hay’adaha Qaramada Midoobay bishii Jannaayo ayaa lagu ogaaday in mid ka mid ah lixdii carruur ah ee da’doodu ka yar tahay laba sano ay hayso nafaqo-darro ba’an. Carruurtaas, ku dhawaad ​​3% waxay la ildaran yihiin nafaqa daro u baahan daaweyn degdeg ah.

    GETTY IMAGES

    Cunnooyin aan nafaqeysneyn oo halkaasi laga heli karin, biyo nadiif ah iyo adeegyo caafimaad – iyo sidoo kale daalka iyo argagaxa ay sababeen dagaalada – ayaa sidoo kale caqabad ku ah awoodda hooyooyinka inay nuujiyaan ilmahooda.

    Ilmaha oo aan naaska la nuujin iyo cunnooyinka oo ku yar waqooyiga Gaza ayaa sababaya in dhallaanka si dhaqso ah ay u fuuq baxaan ayna la soo daristo nafaqo-xumo, taas oo kordhinaysa khatarta in ay yimaadaan xaalado halis geliya noolasha sida kelyaha oo hawlgab noqdo.

    Dr Samia Abdel Jalil, oo ka shaqeysa qeybta daryeelka degdega ah ee isbataalka Kamaal Adwan, ayaa wareysi ay siisay barnaamijka Gaza Lifeline ku sheegtay in gabar yar iyo walaasheed ka weyn ay ku dhinteen isbitaalka maalmo gudahood.

    “Waxaa nagu adkaatay inaan caano u helno dhammaan isbataalka ee ma aha gabadhaas yar oo kaliya ah ,” ayay tiri “Waxay dhimatay iyadoon helin xitaa in yar oo caano ah.”

    Saalax Samara, waa wiil afar bilood jir ah, waa mid ka mid dadka sida daran u xanuunsanaa ee Dr Abdel Jaliil iyo asxaabteeda ay isku dayayaan in ay ku daweeyaan agabka yar ee ay haystaan.

    Hooyadii waxa ay sheegtay in uu dhashay isaga oo dhicis ah oo uu aad u fuuq baxay,waxana ay sheegtay in uu hadda la ildaran yahay xanuunada kalyaha iyo kaadida oo xanuun badan ku haysa.

    “Wadnuhu aad buu ii xanuunayaa, waxa ku dhacaya isaga darteed, waa arrin aad u adag in aad aragto cunugaaga oo ooyaya maalin kasta oo aan awoodin in uu kaadiyo, dhakhaatiirtu way awoodi waayeen inay caawiyaan.”

    “Waxa uu xaq u leeyahay in la daweeyo, xaqna wuu u leeyahay wax kasta oo kale, iyada oo loo eegayo in uu ilmo yar yahay ayna tahay bilowgii noloshiisa,” ayay raacisay.

    “Xaaladdiisa maalin kasta way ka sii daraysaa, wuxuu u baahan yahay daaweyn dibadda ah si degdeg ah. Waxaan rajeynayaa in qof kasta oo dhegaysta codkayga uu gacan ka geysan doono daaweynta ilmahayga.”

    Gargaar aad u yar ayaa soo gaaraya waqooyiga Qaza

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Dr Ahmed al-Kahlot, agaasimaha isbataalka Kamaal Adwan, ayaa dhanka kale ka digay in dhimashada carruurta ilaa hadda ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ay hoos u dhigtay heerka dhabta ah ee dhibaatada taagan.

    “Tirada kiisaska u dhintay nafaqo-xumada ayaa billaabtay in la tiriyo laba toddobaad ka hor, marka tirada dhabta ah aad ayay uga badan tahay intaas,” ayuu yiri.

    Agaasimaha guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka, Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa ku soo qoray bartiisa Twitter-ka, Isniintii in ay u suuragashay inay shidaal iyo qaar ka mid ah agabka caafimaad ee muhiimka ah gaarsiiyaan isbataalka Kamaal Adwan iyo isbitaal kale oo ay booqdeen sabtidii, sida isbataalka Al -Cawda Jabalia. Laakiin waxa uu ka digay in gargarkasi uu yahay qayb yar oo ka mid ah baahiyaha naf badbaadinta ee degdega ah.

    Dawladaha reer galbeedka ayaa sidoo kale kordhinaya cadaadiska ay ku hayaan Israel si ay u fududayso qaybinta iyo gaarsiinta gargaarka. Talaadadii Joe Biden wuxuu yiri “waa in aan gargaar badan gaarsiino Gaza … Ma jirto cudurdaar, “.

    Wasaaradda difaaca Israa’iil oo u xilsaaran isku-dubbaridka gargaarka galaya Qaza ayaa tiri: “Waan sii wadi doonnaa balaarinta dadaalladayada bini’aadantinimo ee aan ku gaarsiineyno dadka rayidka ah ee Gaza, inta aan fulinayno hadafyadeenna ah in aan laheysteheenna ka soo furanno Xamaas iyo in aan Gaza ka xoreyno Xamaas”.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Gordhaw Gabadhanoo lagu Dilay Beledweyne

    May 15, 2025

    Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

    May 15, 2025

    DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

    May 15, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG Gordhaw Gabadhanoo lagu Dilay Beledweyne

    May 15, 2025

    Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

    May 15, 2025

    DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

    May 15, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.