Qaar ka mid ah Madaxdii hore oo uu ku jira Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Raβiisul Wasaarayaal hore ayaa taageero u muujiyey dowladda Soomaaliya, ka dib xadgudubkii dowladda Itoobiya ay ku sameysay Soomaaliya, iyada oo damac kaga jira Badda Cas.
Warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxdii hore ee dalka ayaa lagu yiri, βtaageerada aan kala goβa lahayn iyo garab istaagga dadaalka ay dowladda federaalka Soomaaliya ugu jirto ilaalinta madaxbanaanida, madaxbanaanida, iyo wadajirka dhuleed ee qaranka.β
Mawqifkan wadajirka ah ayaa soo ifbaxaya iyada oo ay sii kordhayso xiisadda kala dhaxaysa Itoobiya, taas oo muujinaysa goβaan adag oo ku aaddan danaha qaranka, waxaana xusid mudan in Golaha Wasiirrada iyo Xildhibaannada labada Aqal ay soo wada saareen qaraar ay kaga soo horjeedaan dmaaca liita ee Itoobiya.
Siyaasiyiintaan ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyihii hore ee BFS Shariif Xasan Sheekh Aadan, Raβiisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiwali Gaas, sidoo kale waxaa ka mid Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Cabdulqaadir Cosoble oo kawada tirsan Golaha Shacabka.
Warsaxaafadeedka ka soo baxay siyaasiyiintaan ayey ku sheegeen muhiimadda ay leedahay ilaalinta mabaadiβda asaasiga ah ee Soomaaliya iyo ka hortagga wax kasta oo khatar ku ah madax-bannaanideeda.



