Maamulka Puntland ayaa ka jawaabay go’aanka ay maanta soo saartay dowladda federalka Soomaaliya ee lagu xirayo qunsuliyadda Ethiopia ee Puntland.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid oo u waramay idaacadda VOA ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guul-dareysatay inay sugto amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool caasimada Muqdisho.
Wuxuu sheegay in Puntland aysan aqoonsaneyn dowladda federaalka, isla markaana amaradeeda aysan ka dhaqan geli doonin gudaha Puntland ilaa inta laga helayo dowlad u dhaxeysa dadka.
Wasiir ayaa si gaar ah u eedeeyey madaxweyne Xasan Sheekh “Dowladda Federaalka waxaa kagu ilaaliyaa Muqdisho wax kasta oo adeeg dowladeed ah ayey ku guul-dareysatay, argagixisadii ay ka saari weysay dalka, marka Puntland waa isku filan tahay, inay ku soo gudubtana waa ka badbadis, Xasan ma xiri karo qunsuliyadaha Garowe iyo Hargeysa,” ayuu yiri Maxamuud Ceydiid.
Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa intaas ku sii daray, “Xasan kama taliyo halkaan dowladnimada ma hayo, xukunkiisana ma fulo, caasimadii umadda ayuu joogaa, argagixiso ayaana dadka ku laysa.”
Sidoo kale wasiirka ayaa la weydiiyey sababta Puntland uga dambeyn la’dahay dowladda federaalka go’aanada laga qaadanayo khilaafka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna ku jawaabay in Puntland uu dastuurku u ogolaanayo inay ka tashato aayaheeda
Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan ka maarmin dalka Itoobiya, maadaama labada dal ay xuduud dheer leeyihiin, dadka Soomaaliyeedna ay danao badan uga xiran yihiin dadka Itoobiyaanka ah, sida arrimo caafimaad, ganacsi, safarro iyo arrimo kale.
“Maaheyn in Xasan ku mashquulo isku socodka labada dal, ee waxaa habooneed inuu ka fikiro dhismaha dowlad xoog leh, dalka ammaanka ka dhigo, dowlad la aqoonsan yahay ka hirgeliyo, dadka dib u heshiisiin u furo, Xasan waa nin heysta maro jeex-jeexan,” ayuu yiri.
Wasiirka waxaa la weydiiyey in carada ay dowladda federaalka u qabaan ay Puntland u geysay inay xiriir la sameysato Itoobiya, wuxuuna ku jawaabay, “maya sidaas maaha, Itoobiya xiriir waan la laheyn, arday Soomaaliyeed oo Puntland ka soo jeeda ayaa wax ka baratay dalka Itoobiya, dad dhakhtar u socda ayey Fiise sii saa, marka waxyaabo badan oo ganacsigu ka mid yahay ayaa ka dhaxeeya Soomaalida iyo Itoobiyaanka, qolo kastana dan ayey leedahay.”
Hoos ka dhageyso wareysiga