Deegaannada Dowlad-Goboleedka Puntland waxaa maanta oo Sabti ah ka billowday Imtixaan sanadeedka Dugsiyada Dhexe iyo Sare 2023/2024 iyada oo Ardaydu ku galayaan goobo gaar ah oo Dowlad-Goboleedkaas u diyaariyay.
Tirada Ardayda Sanadkaan u fadhiisatay Imtixaanka fasallada 8aad ee Dugsiga Dhexe iyo 12aad ee Dugsiga Sare wadartooda guud waa 21,801 ruux (Labaatan & koow kun, siddeed boqol iyo koow) sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada Dowlad-Goboleedka Puntland.
Waxaa la fasaxay Ardayda Jaamacadaha ka dhigata Deegaannada Dowlad-Goboleedka Puntland maadaama goobihii ay wax ku baranayeen ay Imtixaanku ku galayaan Ardaydaan shahaadiga ah sida ay hadalka u dhigtay Wasaaradda Waxbarashada Puntland.
Ardayda u fadhisa Imtixaanka fasalka 8aad ee Dugsiga Dhexe waxa ay u gudbi doonnaan haddii ay natiijo wanaagsan helaan Dugisga Sare halka Ardayda fasalka 12aad ama 4aad ay usii gudbayaan Waxbarasho heer Jaamacadeed.
Puntland waa Dowlad-Goboleedka keliya si ka madaxbannaan Dowladda Federaalka u maamusha Manhajka Waxbarashada ee laga dhigo goobaha Waxbarasho ee ku yaalla Deegaannada Dowlad-Goboleedkaas iyo qaadista Imtixaanka shahaadiga ah.