Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka jawaabay wararka sheegaya in Erling Haaland uu nacay horyaalka Premier League oo uu doonayo inuu tago kooxda reer Spain ee Real Madrid.
Haaland oo toddobaadkan kusoo laabtay garoomada kaddib laba bilood oo uu dhaawac u jiifay, isla markaana beddel kusoo galay ciyaartii Burnley ee Arbacadii ay 3-1 ku khaarajiyeen, ayaa waxa ay wararku sheegayaan in aanu ku faraxsanayn nolosha Ingiriiska.
23 jirkan oo Man City u dhaliyey 52 gool oo dhamaan tartamada ah xilli-ciyaareedkii hore, ayaa waxa la sheegay in uu doonayo inuu ka guuro England marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda, hase yeeshee Pep Guardiola oo ka jawaabay wararkan ayaa yidhi: “Annagu dareenkaas ma qabno, waa in aad weydiisaan warbaahinta Spain ee warkan sheegtay, waxa laga yaabaa in ay hayaan macluumaad dheeraad ah oo aannaan annagu haynin.
“Laba bilood dhaawac ayuu ku maqnaa oo ma aanu ciyaari karayn laakiin warbaahinta Spain gaar ahaan magaalada Madrid waxay hayaan macluumaad aannaan annagu haynin. Ma odhan karno si degdeg ah ulama aanu qabsanin [Nolosha Ingiriiska], mana aanu fiicnayn tan iyo markii uu yimid.
“Waad arkayseen heerka bandhiggiisa tan iyo maalintii uu yimid, annagu ma maamulayno waxa ay dadku sheegayaan, marka aanu faraxsanayna, isaga ayaa go’aan gaadhi doona.”
Sida ay warbaahinta Ingiriisku sheegayaan, Erling Haaland marna ma aanu qarsanin inuu jecel yahay inuu u ciyaaro Real Madrid waxaanu hore saxaafadda ugu sheegay inuu maalin u dheeli doono kooxda ka dhisan caasimadda Madrid.
Heshiiska uu Erling Haaland kula jiro Manchester City ayaa waxa uu soconayaa illaa sannadka 2027, laakiin xagaaga foodda innagu soo haya ee 2024 waxa qandaraaskiisa lagu burburin karayaa £150 milyan oo Gini.
Haaland ayaa Manchester City u saftay 76 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu illaa hadda u dhaliyey 71 gool, waxaana la filayaa inuu kusoo bilowdo kulanka Brentford ee Isniinta ee horyaalka Premier League.