Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025

    DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 4, 2025

      Raiisulwasaare Hamze iyo taliyaha cusub NISA Mahad Salad oo goordhow u ambabaxay dalka Jabuuti

      June 1, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Madaxweynaha Somaliland oo maanta u safraya dalka Kenya

      May 26, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 4, 2025

      Raiisulwasaare Hamze iyo taliyaha cusub NISA Mahad Salad oo goordhow u ambabaxay dalka Jabuuti

      June 1, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » “Nolosheedoo dhan waxay keydineysay lacagtii ay Xajka ku aadi lahayd balse dayac ayay ugu dhimatay Maka”

    “Nolosheedoo dhan waxay keydineysay lacagtii ay Xajka ku aadi lahayd balse dayac ayay ugu dhimatay Maka”

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJune 21, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Boqollaal qof ayaa loo maleynayaa inay u geeriyoodeen cimilada aadka u kulul ee Xajka ee Sacuudi Carabiya. Dadka geeriyooday waxay ka yimaadeen dalal badan, waxaana ugu badan Masar. BBC ayaa booqatay bulsho weysay in ka badan 20 qof.

    Xujey badan oo Masaari ah ayaa ka yimid xaafado dad sabool ah deggan yihiin. Waxay noloshooda ku qaataan keydinta kharashkii ay ku geli lahaayeen safarkooda magaalada ugu barakeysan Islaamka.

    Effendiya, oo ahayd hooyo 70 jir ah oo shan carruur ah leh kana timid gobolka waqooyi ee Menoufiya, ayaa dahabkeedii iibisay si ay Xajka usoo gudato, wiilkeeda yar Sayyed ayaa inoo sheegay, balse way geeriyootay xilli ay gudaneysay waajibaadka Xajka.

    “Geerida hooyadey way i taabatay,” ayuu yiri, isagoo oohin afka furtay. Wuxuu sheegay in aadidda Xajka ay ahayd riyada ugu weyn ee hooyadiis.

    Effendiya, oo ahayd carmal, ayaa magaalada Maka ku tagtay dal ku gal, ee ma aysan helin dal ku galka rasmiga ah ee Xajka.

    Waxay ka mid ahayd boqollaal kun oo Xujey aan diwaangashaneyn oo rajeynayay inay fushadaan waajibaadkooda diiniga ah ee sanadkan iyagoo aan helin oggolaanshaha gaarka ah ee Xajka.

    Maamulka Sacuudiga ayaa arrintaas u arka carqaladeynta shuruucdooda. Balse hannaanka lagu helo oggolaanshaha rasmiga ah ee Xajka ayaa mararka qaar uu kharash badan ku baxaa waana mid cakiran.

    ‘Ma aysan xamili karin kuleylka jirka dubanaya’

    Inaad fiiso rasmi ah oo Xajka ka hesho Masar – oo ah dal ku jira xasarad dhaqaale oo qoto dheer – waxay ku kici kartaa ilaa $6,000 (£4,700) qofkiiba.

    Safarka Effendiya waxaa qabanqaabiyay mukhalas, kaasoo ka qaatay kala bar lacagtaas balse wuxuu ballanqaaday inuu adeeg tayo sare leh u qaban doono, sida ay qoyskeeda sheegeen.

    Xaqiiqdu gebi ahaanba saas way ka duwaneed, sida ay sheegeen.

    Maalintii Carafa, sanadkan oo ku beegneyd15 June, Xujeyda ayaa subixii ilaa gabbalku ka dhacay ku qaatay Buurta Carafa – oo qiyaastii 20km [12 meyl] u jirta Maka – iyagoo ducooyin iyo dhagaxtuur ku jiray.

    “Baska ayaa geeyay meel qiyaastii 12km ka fog Buurta Carafa wuuna ka tegay. Waxay ku qasbanaatay inay soo lugeyso,” ayuu yiri Tariq, oo ah curadka Effendiya.

    “Mar walboo aan muuqaal ka waco biyo ayay madaxa isaga shubeysay. Ma aysan xamili karin kuleylka xad-dhaafka ah.

    “Wada hadalkeennii ugu dambeeyay waxay u muuqatay qof daallan.”

    Xajka
    Qoraalka sawirka,Wiilka ugu yar Effendiya ayaa mukhallasiinta gudaha ku eedeynaya inaysan Xujeyda ka difaacin kuleylka

    Xujeyda ayaa caadi ahaan ku sugan teendhooyin mukeyf leh, waxay heystaan basas u kala qaada goobaha barakeysan waxaana la siiyaa daryeel caafimaad.

    Sayyed ayaa sheegay in Effendiya iyo Xujey kale oo aan diwaangashaneyn “aysan helin adeegyadaas midkoodna, gebi ahaanba waa la dayacay”. Wuxuu intaa raaciyay inay isku dayeen inay iska difaacaan kuleylka ba’an iyagoo isticmaalayay go’yo ay ka dhigteen teendho.

    Qoyskeeda ayaa sheegay inay awoodi waayeen inay la xiriiraan mukhalaskii safarkeeda qabanqaabiyay.

    Xajku wuxuu ka mid yahay shanta tiir ee Islaamka. Muslimiinta ayaa laga doonayaa inay mar noloshooda ka mid ah soo gutaan – haddii dhaqaale ahaan iyo jir ahaanba ay awodaan – wuxuuna Xajka ka dhaqaa dunuubtooda.

    Waa mid ka mid ah isu imaatinnada ugu weyn ee diimeed ee caalamka. Ku dhowaad labo milyan oo Xujey ah ayaa sanadkan u safray Maka.

    Balse midkoodna ma filan in safarkooda uu geeri ku dambeyn doono.

    ‘Waxaan jeclaan lahaa inaan la socdo’

    Dowladda Masar ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah dadka dhintay aysan diwaangashaneyn, taasoo adkeyneysa in la helo tirada rasmiga ah. Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay inay qaadan doonto waqti iyo dadaal badan in la garta meydadka oo lala xiriiro qoysaskooda.

    Raysal Wasaaraha Masar Mostafa Madbouly ayaa sheegay in baaritaan lagu sameyn doono howlaha dhammaan shirkadaha safarka ee ku lug leh in Xujey aan diwaan gashaneyn ay u diraan Sacuud Carabiya.

    “Hooyadey la’aanteed, cabsi baan dareemayaa,” ayay tiri Manal, oo ah gabadha ugu weyn gabdhaha Effendiya, iyadoo indhaheedu ay murugo ka muuqato.

    Waxay dib u milicsatay inay oohin afka jabsatay markii loo sheega warka geerida hooyadeed.

    “Wax yar kahor inta aysan dhiman, waxay wacday walaalkey waxayna u sheegtay inay dareemeyso in naftu ay kasii baxayso. Waxaan rajeeyay inaan la socon lahaa,” ayay tiri Manal, oo illin ay dhabannadeeda ka qubaneyso.

    Effendiya ayaa geeriyootay iyadoo jiifta harka waddo meel gees ah ku taalla.

    Carruurteeda qalbijabay ayaa xoogaa ku qancay in lagu aasay Maka.

    “Waxay rajeyneysay inay ku dhimato laguna aaso Maka” ayay tiri Manal.

    “Riyadeedii way u rumowday.”

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

    May 31, 2025

    Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

    May 30, 2025

    Madaxweynaha Somaliland oo maanta u safraya dalka Kenya

    May 26, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025

    DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.