Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay hawlgal ay ka fuliyeen deegaanka Yaaqle oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe in ay ku dileen xubno kamid ah Al-shabaab.
“Ilaa 27 ka tirsan Khawaariijta ayaa lagu dilay, tiro 30 ka badanna waa lagu dhaawacay, kaddib howlgal ay iska kaashadeen ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, iyo ciidanka Xoogga Dalka oo laga fuliyay deegaanka Yaaqle oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.” Ayaa lagu yiri, warsaxaafadeedka
Halkaan ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran: