War kasoo baxay Hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa lagu faahfaahiyay howlgal ka dhan ah ‘AS’ oo ka dhacay Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle gaar ahaan Deegaanka Yaaqle.
Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in howlgalkaan lagu dilay xubno gaaraya 27 ruux kuwaas oo lagu beegsaday howlgal socday muddo 12 saac ah sida lagu hadalka loo dhigay.
Sidoo kale Warka kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in la gubay Gaadiid nooca dagaalka ah oo ay wateen iyo saanad kale oo ay wateen ‘AS’ isla markaana laga gungaaray ujeedka howlgalkaan loo fuliyay.
Halkaan ka aqriso warka kasoo baxay NISA:
Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa muddooyinkii dambe ka socday howlgallo ka dhan ah ‘AS’ oo isugu jiray kuwa lugta ah iyo duqeymo ay fulinayaan diyaaradaha nooca duulliye la’aanta ah ee Drones-ka loo yaqaan