War kasoo baxay Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa lagu faah-faahiyay howlgal lagu fuliyay duqayn diyaaradaha nooca duulliye la’aanta Drones-ka ah ay ka fuliyeen Gobolka Hiiraan gaar ahaan Buq-aqable.
Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa soo bandhigtay magacyada iyo shaqooyinkii ay ‘AS’ u hayeen 6da ruux ee duqaynta lagu beegsaday ayay Hay’addu soo bandhigtay.
Halkaan Hoose ka aqriso qoraalka NISA:
Diyaaradaha duulliye la’aanta Maraykanka ee Drones-ka loo yaqaan ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay duqaynta ay ka fulinayaan qaybo kala duwan oo Gobollada Dalka gaar ahaan Dowlad-Goboleedyada Galmudug, Hir-Shabeelle, Jubbaland & Koofur Galbeeda.