Hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa faah-faahin ka bixisay howlgal duqayn ah oo ka dhacay Gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaanka Biya-neef ee Galbeedka Degmada Buula-burde.
NISA ayaa sheegtay in duqayntaas oo ay ka gacansiiyeen Saaxiibada Dowladda lagu burburiyay saldhigyo ay leeyihiin ‘AS’ oo ay isku uruursanayeen sida lagu yiri war kasoo baxay Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.
Duqaymaya Diyaaradaha ayaa maalmihii u dambeeyay sii kordhay, Dalal aysan shaacin Dowladda Federaalka Soomaaliya Balse kusoo koobtay in ay yihiin Saaxiibada Caalamiga ah ayay tilmaamtay in duqaymahaas ay ku gacansiiyeen.
Ciidanka @HSNQ_NISA oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa burburiyay fariisin ay Khawaarijtu isku aruursanayeen oo ku taala deegaanka Biya-neef ee galbeedka Buula-burde, halkaas oo khasaare xoog leh uu ku gaaray Khawaarijta
— NISA (@HSNQ_NISA) February 26, 2024