Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee saldhigga degmada Deyniile ayaa gacanta ku dhigay eedeysane Maxamed Cabdullahi Cali, kaasi oo si xun u jir dilay xaaskiisa, Khadro Cabdullahi Maxamuud.
Falka uu geystay eedeysanaha ayaa si weyn uga dhex muuqday baraha bulshada, taasoo keentay caro ballaaran oo shacabka ka muujiyeen.
Booliisku waxay sheegeen in eedeysanaha la horgeyn doono maxkamad si sharciga loo waafajiyo.
Ciidanka ayaa ku booriyay shacabka inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga si loola dagaallamo tacaddiyada noocan oo kale ah.
Haweenayda la jir dilay ayaa waxaa ay ka timid Holand.