Dalka Jarmalka waxa uu kamid yahay dalalka Yurub ee ay ku noolyihiin Soomaalida ugu badan isla markaana magan gelyo doonka ah.
Soomaali badan ayaa dalkaasi iska dhiibtay sanadihii ugu dambeeyay, kuwaas oo qaarkood helay qaabilaad lagu siiyay sharciga dalkaas.
Sidaas si lamid ah waxaa jira Soomaali kale oo ku jira xeryaha qaxootiga ee loo yaqaanno kaamamka kuwaas oo aan weli helin qaabilaadda sharciga dalka iyo degenaasho toos ah.
Iyadoo ay taasi jirto ayaa warbaahinta dalkaasi waxa ay hadal heysaa nin Soomaali ah ku kacay fal uu dhowr mar xabsi ku muteystay ilaa kiiskiisa loo qorsheeyo in guud ahaanba dalka laga tarxiilo isla markaana dib loogu celiyo Soomaaliya.
Ninka ayaa ku eedeysan in uu isniin walba dab qabadsiiyo kaam qaxooti oo isaguba ku jiro, kuna yaallo Magaalada Bad Dürrheim ee Gobolka Baden-Württemberg.
Axmed Kadiye oo kamid ah Soomaalida Jarmalka gaar ahaan dhallinyarada u dhaq-dhaqaaqda jaaliyadda ayaa BBC-da u sheegay in kiiska dabka ee lagu heysto ninkan uu yahay mid soo noq-noqday.
“Ninkan dhallinyarada ah waxaa la sheegay in isniin walba uu soo uruursado Xaabo isla markaana uu dab ku shido kaamka ama gurigan ay deggenyihiin qaxootiga oo la yiraahdo Albert-Schweitzer-Haus, dhowr mar ayey boolisku xireen haddana waa lasoo daayaa oo xabsiga laguma sii hayo” ayuu yiri Axmed Kadiye.
Kooxaha dab damiska iyo booliskuba waxa ay isniin walba gaaraan kaamka xilliga ninka uu dabka shido.
Boolisku ma aysan baahin xogta ninkan oo dhameystiran iyada oo lagusoo koobay Soomaali qaxooti ah, waxaana ay falka ninkan ku sheegeen mid aan buurneyn maadama uusan dabku geysan khasaare.
“Ninkan xilligii loogu tagayay goobta uu dabka ka shiday, waxa uu aha amid Alle baryayay sida ay sheegayaan warbaahinta, sidoo kale waxa uu ku cel-celinayay waan u qalmaa in aan noqdo qaxooti rasmi ah, waxaana wajigiisa ka muuqday qosol, iyadoo aan la sheegin in uu yahay qof maskaxiyan xanuunsanaya iyo in kale”, ayuu sii raaciyay Axmed Kadiye.
Dowladda Jarmalku waxa ay sheegtay in ninkan hadda aan lagu heyn kiis Soomaaliya loogu tarxiili karo, balse waxa ay la xiriirtay safaaradda Soomaaliya ee magaalada Berlin si loo falanqeeyo habkii loo tarxiili lahaa.
Nin kamid ah maamulka magaalada oo lagu magacaabo Markus Stein ayaa ka hadlay dhacdada isaga oo taagan afaafka hore ee dhismaha ay arrintu ka dhacday, waxaana uu sheegay in aan la sugin in mararkale ay soo noq-noqto.
“Anaga ka magaalo ahaan, waxa ay u ekaaneysaa in aan la sugeyno in dhacdadan aan la sugno ilaa heer ay gaarto in ay wax weyn dhacaan waxaana ay noqon doonto wax aynu fahmi weyno”, ayuu yiri Markus Stein.
Dhacdo tan lamid ah
Dadka deggan Tuulada Hardheim ee degmada Neckar-Odenwald-Kreis ayaa dhammaadka sanadkii hore waxa ay qaarkood muujiyeen cabasho ka dhanka ah nin Soomaali ah oo tahriib ku galay dalka Jarmalka.
Dadka tuulada oo lagu qiyaaso in ay agaarayaan ilaa 7,500 ayaa sheegay in ay ka baqayaan ninkan oo la shaaciyay in uu maskaxda ka xanuunsanayo, waxa la sheegay in ay dhowr mar ka gudbiyeen dacwo balse aan wax laga qabanin.
Xeer ilaalinta gobolka ayaa si joogta ah u diidday eedeymaha la xiriira ninkan Soomaaliga ah, marka loo eego xaaladaha caafimaad ee uu ninkan ku suganyahay iyo ra’yiga caafimaadkiisa la xirira, ninka 25-jirka ah ayaa qabay xanuun maskaxiyan ah taasoo la micno ah in aan wax dambi ah loo qori Karin.
Dacwad oogaha guud ee magaalada Mosbach ayaa wargeyska Bild u sheegay in tan iyo bishii May ee sanadkii hore dadka deegaanka ay soo gudbiyeen dacwado badan oo ka dhan ah ninka dhalinyarada ah ee la sheegay in uu ku dhashay magaalada Muqdisho, kuwaas oo isugu jira xatooyo iyo cabsi gelin.
Soomaalida ayaa ku jirta kaalinta afaraad ee magangalyo doonka ka yimid Afrika ee iska dhiibay Jarmalka. Waxaa ka horeeya wadamada kala ah Morocco, Nigeria iyo Eritrea.
Tirada Soomaalida ee magangalyo doonka ah ayaa sanadkii hore ku dhawaatay laba jibbaar. 55,470 ruux ayaa lagu sheegay dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Jarmalka ee doonaya in la qaabilo, sida ay baahisay dowladda Jarmalka.
31,075 oo kamid ah dadkaas ayaa xilligaas sharciyo ka helay Jarmalka, balse intooda badan wali ma aysan helin sharciga joogtada ah ee dalkaas, halka 4,780 kamid ahna ay heleen diidmo, micnaheeduna yahay in dawladda jarmalku qaabili doonin, magangalyana siin doonin. Tan ayaa micnaheedu yahay in 10 kii qof ee Soomaali ah, 8 kamid ah ay sharci ka haystaan dawladda.