Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo bandhigay nin baxsad ah oo ku eedeysan dil ka dhacay gobolka Nugaal ee Puntland, kaas oo dalka ka cararay.
Soo qabashada eedeysanahan oo lagu magacaabo Maxamed Cumar Ciise ayaa waxaa iska kaashaday Booliska Soomaaliyeed iyo kan caalamiga ah ee Interpol, waxaana maanta lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii xogtiisa ay Interpol kusoo wargelisay Booliska Soomaaliya.
Ninkan ayaa ku eedeysan inuu 17-05-2023 gobolka Nugaal ku dilay marxmuum Maxamed Axmed Faarax, isaga oo kadib u baxsaday dalka Kenya oo ugu dambeyn laga soo qabtay.
Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ninkan oo isticmaalay magaca been abuur ah uu ka gudbay xadka Soomaaliya, kadibna ay la wadaageen Interpol oo maanta soo qabatay.
“Waaran soo qabasho ah oo usoo jarey xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo tixgeliyey codsiga ka yimid Maxkamada gobolka Nugaal ayaa hoggaanka xiriirka dibadda (Interpol) ee Booliiska Soomaaliyeed Ka codsadey in lasoo qabto eedeysane Maxamed Cumar Ciise 30 jir ah, kuna eedeysan inuu dilay, Marxuum Maxamed Axmed faarax taariikhda marka ay aheyd 17-05-2023, isagoo isticmaalay Qori AK47 ah kadibna u baxsaday dalka Kenya.” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Booliska Soomaaliya.
Waxaa kale oo lasii raaciyay “Hoggaanka xiriirka dibada ee Booliiska Soomaaliyeed ayaa xogtiisa la wadaagay xafiisyada Kala duwan ee Booliska caalamigga ah ee Interpol, waxaana la ogaadey inuu ku noolyahay Kenya, uuna Isticmaalay magaca Cabduqaadir Cumar Cali si aan loo aqoonsan”.
Kahor inta aan lasoo qaban eedeysanaha ayaa 21-06-2024 tegay safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya, si uu u jarto dukuminti laabasho ah (Go Home), wuxuuna ku jartay magaca been abuurka ah ee Cabduqaadir Cumar Cali.